{"id":113130,"date":"2026-09-03T12:59:33","date_gmt":"2026-09-03T11:59:33","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=113130"},"modified":"2026-09-03T13:09:12","modified_gmt":"2026-09-03T12:09:12","slug":"madaxweyne-ruto-oo-amray-in-la-xiro-ganacsiyada-yaryar-ee-ay-leeyihiin-ajaanibta-ku-nool-kenya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/madaxweyne-ruto-oo-amray-in-la-xiro-ganacsiyada-yaryar-ee-ay-leeyihiin-ajaanibta-ku-nool-kenya\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Ruto oo amray in la xiro ganacsiyada yaryar ee ay leeyihiin Ajaanibta ku nool Kenya"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa soo saaray amar ku aaddan in la xiro goobaha Ganacsiyada yaryar ee ay leeyihiin dadka Ajaanibta ah.<\/p>\n<p>Amarka Ruto ayaa saameynaya dadka aan u dhalan Kenya ee leh Ganacsiyada\u00a0hareeraha waddooyinka iyo dukaamada tafaariiqda.<\/p>\n<p>Madaxweyne Ruto ayaa faray in wixii ka dambeeya Isniinta soo socota ay hay\u2019adaha amniga inay bilaabaan hawlgallo lagu xirayo ganacsiyada yaryar ee ay leeyihiin dadka aan u dhalan dalka Kenya.<\/p>\n<p>Amarkan ayuu Madaxweynuhu ku sababeeyay in ganacsiyada yaryar ay xaq u leeyihiin Muwadiniinta Kenya, isla markaasna aysan la tartami karin\u00a0dadka shisheeyaha ah.<\/p>\n<p>Go\u2019aankan ayaa la filayaa inuu saameyn \u00a0ku yeesho kumanaan ajaanib ah oo muddo dalkaas ku leh ganacsiyo yaryar, kuwaasi oo ay kamid yihiin Soomaali.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa soo saaray amar ku aaddan in la xiro goobaha Ganacsiyada yaryar ee ay leeyihiin dadka Ajaanibta ah. Amarka Ruto ayaa saameynaya dadka aan u dhalan Kenya ee leh Ganacsiyada\u00a0hareeraha waddooyinka iyo dukaamada tafaariiqda. Madaxweyne Ruto ayaa faray in wixii ka dambeeya Isniinta soo socota ay hay\u2019adaha amniga inay bilaabaan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":112844,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113130"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=113130"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113130\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":113133,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113130\/revisions\/113133"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/112844"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=113130"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=113130"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=113130"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}