{"id":113007,"date":"2026-08-29T16:06:24","date_gmt":"2026-08-29T15:06:24","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=113007"},"modified":"2026-08-29T16:06:24","modified_gmt":"2026-08-29T15:06:24","slug":"kooxaha-burcad-badeeda-soomaalida-oo-sii-daayay-markabka-mv-latuf","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/kooxaha-burcad-badeeda-soomaalida-oo-sii-daayay-markabka-mv-latuf\/","title":{"rendered":"Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida oo sii daayay Markabka MV Latuf"},"content":{"rendered":"<p>Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida ay sii daayeen Markab sida Saanad ciidan oo uu Turkiga u soo waday Xerada Turksom ee magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Saanadan ayaa la soo warinayaa in ay saaran tahay Markabka M\/V Lutuf oo ku gooshayay calanka dalka Cameroon, kaasi oo ay qabsadeen kooxo\u00a0 hubeysan xilli uu marayay biyaha Gobolka Nugaal.<\/p>\n<p>Sida ay ilo xog ogaal ah sheegeen, Markabka iyo Saanada ciidan ayaa badqaba, iyadoo la filayo inuu maalmaha soo socdo ku soo xirto Dekadda magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Lama oga in Kooxaha Burcad-badeeda ay lacago ka qaateen Markabka iyo Saanada Ciidan.<\/p>\n<p>Maraakiibta dagaalka ee Turkiga maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Xeebaha gobolka Nugaal, halkaasi oo la sheegay in ay ka fuliyeen Duqeymo lala beegsaday kooxaha burcad-badeeda.<\/p>\n<p>Duqeyntii ugu dambeysay, gantaal ayaa lagu dhuftay doon yar, iyadoo ay ku dhinteen 7 ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.<\/p>\n<p>Afduubka M\/V Lutuf ayaa noqonaya kii 13-aad ee sannadkan 2026 ay afduubtaan Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida oo soo laba kacleeyay.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida ay sii daayeen Markab sida Saanad ciidan oo uu Turkiga u soo waday Xerada Turksom ee magaalada Muqdisho. Saanadan ayaa la soo warinayaa in ay saaran tahay Markabka M\/V Lutuf oo ku gooshayay calanka dalka Cameroon, kaasi oo ay qabsadeen kooxo\u00a0 hubeysan xilli uu marayay biyaha&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":113009,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113007"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=113007"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113007\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":113010,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113007\/revisions\/113010"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/113009"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=113007"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=113007"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=113007"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}