{"id":11299,"date":"2018-11-15T02:52:37","date_gmt":"2018-11-15T02:52:37","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=11299"},"modified":"2018-11-15T04:17:22","modified_gmt":"2018-11-15T04:17:22","slug":"isbeddelka-geeska-afrika-nin-u-togan-ninna-u-taban","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/isbeddelka-geeska-afrika-nin-u-togan-ninna-u-taban\/","title":{"rendered":"Isbeddelka Geeska Afrika Nin u togan ninna u taban!"},"content":{"rendered":"<p>Gobolka Geeska Afrika waxa loola jeedaa Juquraafi ahaan Dhulka qalalan ee dhaca inta u dhexeysa galbeedka Badda cas iyo gacanka cadmeed una yaal sida geeska oo kale, sidaas marka loo dhigo waa qeexitaan kulminaya 4 dowladood oo kala ah Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Erateriya, Geeska Afrika waxaa soo gelaya dowlado intaas kabadan marka laga fiiriyo xagasha siyaasadda iyo dhaqaalaha sida Kenya, Suudaan, Koofurta Suudaan iyo Uganda.<\/p>\n<p>Bedka geeska Afrika waxa lagu qiyaasaa 1.9 Milyan oo Km oo iskuweer ah, waana marka la qaato qeexitaanka kooban ee 4ta dowladood ee kala ah Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Erateriya, tirada dadka kunoolna waa 115 Milyan sida uu muujiyey tirakoobkii ugu dambeeyey ee lagu sameeyey sanadkii 2014.<\/p>\n<p><strong>Muhiimadda Istiraatiijiayadeed ee Geeska Afrika <\/strong><\/p>\n<p>Muhiimadda Istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika ma aha mid maanta iyo shalay dhalatay, ee waxa ay soo jirtay qarniyadii hore waxa uuna ahaa geesku meel ay isha kuwada hayaan awoodaha waaweyn iyo boqortooyooyinkii maamulayey muddo dhul kamid ah geeska muddo dheer, sababtuna waa in Geeska Afrika kulaalayo marinada waaweyn ee ganacsiga adduunka Badda iyo Berriga labadaba, laga soo billaabo qarnigii 15aad illaa maanta waxa kor u kacayey tartanka iyo xusulduubka reer galbeedku ay ugu jiraan si ay awood fulineed ugu yeeshaan gobolka, tartaankaas ayay mararka qaarkood isu rogayey Hardan iyo dagaal ujeedkiisu yahay in cidda gacanta ku haysa marinada ganacsiga adduunka ee geeska Afrika ay go\u2019aamineyso horumarka iyo koboca dhaqaalaha adduunka!<\/p>\n<p>Waxa kale oo muhiimadda geeska afrika kor u sii qaaday in geeska Afrika yahay marinka Jasiiradda Carabta ku xiraya adduunka intiisa kale, waxaana intaas dheer in Jasiiradda carbeed hodon ku tahay shidaalka, Dekadaha,Ololayaasha Shidaalka, Gaaska, ganacsiga badeecadaha kala duwan, Hubka iyo wadiiqadada ay\u00a0 dadku uga \u00a0gudbayaan \u00a0Jasiiradda carabta, taasina waxa ay \u00a0ka dhigay geeska meel aad muhiim u ah oo soo jiidatay indhaha awoodaha caalamka.<a href=\"#_ftnref1\" name=\"_ftn1\"><\/a><\/p>\n<p><strong>Maxaa kadhalan kara Isbeddelka Qaab-dhismeedka Geeska?<\/strong><\/p>\n<p>Kaddib sanado badan oo kala qaybsanaan iyo khilaaf ah geeska Afrika waxa uu gelayaa marxlad cusub oo saameysay sidii ay u yaalleen isabaheysiyada gobolku, marxaladda isbeddelkan oo u muuqda mid wax ku ool u ah geeska ayaa weji cusub u yeelay xiriirka caalamiga ah ee geeska Afrika, iyada oo sida muuqata ay taasi u wanaagsan tahay dhaqaalaha, siyaasadda iyo isbaheysiga waddamada qaarkood, halka \u00a0ay si xun u saameysay danaha iyo siyaasadda dalal iyo deegaano kale.<\/p>\n<p>Tusaale ahaan kala taagnaanshihii 3da dowladood ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Erateriya waxa uu u wanaagsanaa waddamo ay kamid tahay Jamhuuriyadda Jabuuti, taas oo muddada uu jiray khilaafkaasi ka sameysay dhaqaale\u00a0 badan iyo saameyn caalami ah, marka la saaro dabbaal-juglaha siyaasadeed ee Jabuuti ku haystay geeska Afrika labaatankii snao ee tagtay halbeegga Winner iyo Loser oo ah yaa ka faa\u2019iidey khilaafkaas yaase ku khasaaray? madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu noqonayaa Winner oo kadhigan in uu ahaa madaxweynaha keli ah ee ay isugu dhacsanayd intii uu taagnaa khilaafka waddamada geeska Afrika, balse labaatan snao kaddib waxa uu u muuqdaa in uu yahay <strong>Loser<\/strong> oo kadhigan in isbeddelka cusub ee geesku uu u xun yahay madaxweyne Geelle iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, halka Isiyas Afawerki, Farmaajo iyo Najaasiga cusub ee Itoobiya ay\u00a0 markaan yihiin <strong>Winner<\/strong> oo lamacno ah in iyaga iyo waddamadooduba ay kamacaashayaan wejiga cusub ee uu yeelanayo qaabdhismeedka xiriirka caalamiga ah ee geeska Afrika (Geopolitics),<\/p>\n<p>Muddo kudhow 20 sano Adisababa waxa ay kutiirsanayd Jabuuti iyada oo kala soo degeysay Dekedda Jabuuti 95% dhammaan alaabada uga timaadda dibadda, kutiirsanaanta Itoobiya ee Jabuuti waxa ay kadhigtay Jabuuti waddan saameyn weyn ku leh qaabdhismeedka xiriirka caalamiga ah ee geeska Afrika (Geopolitics), waxa kale oo kala taagnaantii Soomaaliya, Erateriya iyo Itoobiya qiime weyn u sameeyey halka ay kutaal Jamhuuriyadda Jabuuti, sidaas awgeed waxa ay Jabuuti martigelisay intabadan awoodaha indhaha ku haya geeska Afrika, taasina waxa ay sii toban jibbaartay saameynta Caalamiga ah ee Jabuuti ku lahayd geeska Afrika.<\/p>\n<p>Isbeddelka qaabdhismeedka xiriirka caalamiga ah ee geeska Afrika waxa uu taabanayaa siyaasadda iyo Dhaqaalaha gobolka, waxa uu ciyaar siyaasadeed iyo fursad ffulineed siinayaa waddamo ay Soomaaliya kamid tahay oo isha kaa eeganayey muddo dheer dhacdooyinka siyaasadeed ee geeska Afrika.<\/p>\n<figure id=\"attachment_11301\" aria-describedby=\"caption-attachment-11301\" style=\"width: 1180px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"size-full wp-image-11301\" src=\"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/FAR5.jpg\" alt=\"\" width=\"1180\" height=\"905\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/FAR5.jpg 1180w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/FAR5-300x230.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/FAR5-768x589.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/FAR5-1024x785.jpg 1024w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/FAR5-80x60.jpg 80w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/FAR5-696x534.jpg 696w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/FAR5-1068x819.jpg 1068w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/FAR5-548x420.jpg 548w\" sizes=\"(max-width: 1180px) 100vw, 1180px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-11301\" class=\"wp-caption-text\">Bidix RW: Abiy Ahmed, MW Afawerki, MW Farmaajo<\/figcaption><\/figure>\n<p>Najaasiga cusub ee Itoobiya Abiy Axmed Cali oo qabtay talada Adis-ababa bishii April-2018 waxa uu si dhaqsi ah uu billaabay dadaalka isu soo dhowaanshaha saddexda dowladeed ee salka u ahaa khilaafka Geeska Afrika (Soomaaliya, Itoobiya &amp; Erateriya), tallaabadaasina waxa ay iftiimisay in geeska Afrika uu gelayo marxalad cusub kana gudbayo mid hore.<\/p>\n<p>Marka sidaas loo dhigo Isbedelka qaabdhismeedka siyaasadda iyo dhaqaalaha geeska Afrika waxa uu luminayaa kaalinta siyaasadeed iyo tan saameyneed ee dalal ay kamid tahay Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku lahaayeen geeska Afrika, sidaas oo kalana waxa uu masraxa siyaasadda iyo saameynta geeska Afrika saarayaa waddamo ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Erateriya oo muddo dheer bannaanka kajoogay waxa dhacaya qololka siyaasadda geeska Afrika.<\/p>\n<p>Ereteriya iyo Itoobiya oo fagaarayaasha xiriirka caalamiga ah ay u tiil in xan siyaasadeed oo ah in ay kulug lahaayeen dagaalka xawaaladda (<strong>Proxy war<\/strong>) oo kadhacay Muqdisho muddo hadda laga joogo 10 sano ayaa markan ka macaashaya isbedelka qaabdhismeedka isbaheysiyada gobolka geeska Afrika, si aad u fahamto Isiyaas Afawerki\u00a0 madaxweynaha muddada dheer xukumaxa Asmara oo dhaqaale gaaray malaayiin Dolar ku bixiyey sidii uu u soo jiidan lahaa kalsoonida Mareykanka si Erateriya looga sameeyo saldhig ciidan oo Mareykanku leeyahay hayeeshee ku guuldareystay ayaa markan si dhib yar ku helaya fursad uu doondoonayey sanado badan oo ah in laga qaado nuucyada kala duwan ee cunaqabateynta ah oo saaran Erateriya muddo kudhow 10 sano, taasna waxa sababay isbeddelka siyasadda Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Welwelka Afwerki ee kusaabsan cunaqabateynta saaran iyo culeyska siyaasadeed ee ay ku yeelatay waxa ay warbaahintu ogaatay markii uu madaxweyne Afawrki u sameeyey casho sharafdhiggiisa Soomaaliya madaxweyen Farmaajo, kulankaas oo kadhacay Asmara ayuu si laabxaarnaan ah waxa uu u yiri Afawerki: \u201c<strong><em>Ma aha in ay sii jirto xaaladda kalaqaybsanaanta, Nabadgelyo xumada iyo Muranku, xilligaas hadda waa dhammaad, waxa aan geleynaa xaalad cusub oo ka hawo iyo frusad wanaagsan sidii hore<\/em><\/strong>&#8221;<\/p>\n<p>Safarkii madaxweynaha Soomaaliya ee Asmara bishii July-2018, waxa uu kamid ahaa kuwa ugu muhiimsan ee Soomaaliya kuyeelatay saameynta siyaasadda iyo isbeddelak geeska Afrika, waxaana safarkaasi soo afjaray sanado badan oo ay Erateriya Afuufeysay dagaalka xawaaladda ee Soomaaliya, iyada oo isku deyeysay in ay saaxiibkeeda maanta oo ahaa cadowgeedi shalay ay xilligaas uga aargoosto gacmo kale, kulankii labada madaxweyen ee Erateriya iyo Soomaaliya waxa uu ahaa isku xirka billowga marxaladda cusub iyo dhammaadka xaaladdi kala go\u2019naanta iyo gabbaadsiinta jabhadaha, waana taas sababta uu madaxweye Afawerki uga sheegay kulankii dhexmaray isaga iyo\u00a0 madaxweyne Farmaajo in aanay jirin sabab ay kalaqaybsanaanta iyo khilaafku u sii jiraan.<a href=\"#_ftnref1\" name=\"_ftn1\"><\/a><\/p>\n<p><strong>Bilowga gurashada miraha Isbeddelak Geeska Afrika<\/strong><\/p>\n<p>Diyaaradda Ithoopian Airlines ayaa duulimaad toos ah kabileysa Muqdisho iyo AdisAbaba, taasina waa mid kamid ah tallaabooyinka ganacsiga iyo dhaqaalaha, waxaana dabasocda Kenyan Airlines oo shaacisay duulimaadkaas iyada oo u jeedda fursadda iyo suuqa dhaqaale ee kadhexsameysmaya isbedelka Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Sababta ugu weyn ee ay labadaas diyaaradood oo sameynayo duulimaad heer caalami ah ay u imanayaan Muqdisho waxa ay dadka falanqeeya qaabdhismeedka siyaasadda geeska Afrika u arkaan xasiloonida iyo xiriirka kadhexsameysmaya Itoobiya, Soomaaliya iyo Erateriya.<\/p>\n<p><strong>Maamul-goboleedyada Soomaaliya <\/strong><\/p>\n<p><strong>Somaliland<\/strong><\/p>\n<figure id=\"attachment_11302\" aria-describedby=\"caption-attachment-11302\" style=\"width: 600px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"size-full wp-image-11302\" src=\"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/muse-600x400.jpg\" alt=\"\" width=\"600\" height=\"400\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/muse-600x400.jpg 600w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/muse-600x400-300x200.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 600px) 100vw, 600px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-11302\" class=\"wp-caption-text\">MW Muuse Biixi Cabdi<\/figcaption><\/figure>\n<p>Dareenkii uu muujiyey hoggaamiyaha xisbiga UCID Somaliland Eng; Faysal Cali Waraabe ee\u00a0\u00a0 ku addaana in Itoobiyada cusub oo loo haystay in ay ula dhaqmi doonto Somaliland sidii ay ula dhaqmayeen xukuumadihii soo\u00a0 maray Itoobiya waxa uu ahaa mid sax ku ah isbeddelka siyaasadda geeska, isbeddelka siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Somaliland waxa muujiyey isku shaandheynta heer wasiir ee uu sameeyey madaxweyne Gaashaanle Sare Muusi Biixi Cabdi, Dr Sacad Cali Shire oo xilkaas hayey xilligii madaxweyne Siilaanyo intiisa badan iyo sanad kamid ah xilliga madaxweyne Muuse ayaa lagu bedelay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (fartool)- oo ahaa wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, tallaabadaasi waxa ay muujisay sida uu gebi uga lusho dadaalkii aqoonsi raadinta Somaliland.<\/p>\n<p>Waxa suuragal ah in isbeddelka qaabhismeedka siyaasadda iyo dhaqaaluhu uu saameeyo heshiiskii dekedda Berbera oo xukuumaddii Hailemariam Desalegn Boshe raisalwasaarihii hore ee Itoobiya ay daraf ka ahayd heshiiskaas, iyada oo qaadatay Saami dhan 19%<\/p>\n<p>Manhajka siyaasadda ee Abiy Axmed Cali, raisalwasaaraha isbeddel doonka ah ee Itoobiya ayaa layimid hab cusub oo ay xukuumaddiisu ula dhaqmeyso maamul-goboleedyada Soomaaliya, sida muuqata isbeddelka geesku waxa uu irdaha ka xirayaa dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada Soomaaliya oo xiriir xera-taraar ku ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya la lahaa xukunkii hore ee Itoobiya.<\/p>\n<p>Somaliland waxa ay kudhawaaqday gooni-isutaag iyo in ay ka go&#8217;day kana baxdayJamhuuriyadda Soomalaiya balse weli ma helin waddan qura oo aqoonsada, sababtuna waxa lagayaabaa in ay tahay madaxda gobolkaas oo aan ku joogin jidkii ay ku rumoobi lahayd madaxbannaanida Somaliland iyo adduunka oo ana soo dhoweyn u hayn kala go&#8217;a Soomaaliya<\/p>\n<p><strong>Puntland &amp; Jubbaland <\/strong><\/p>\n<p>Marka xagashaas laga eego laguna qiyaaso madaxda dowlad-goboleedyada Soomaaliya qaarkood ayaa u muuqda in isbeddelka siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Geeska Afrika uu u soo jiiday\u00a0 guuldarro siyaasadeed (<strong>Loser) <\/strong>waxa ay luminayaan xiriirkoodii siyaasadeed ee ay lalahaayeen Itoobiya, kaas oo kudhisnaa siyaasad barbarsocota wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomalaiya, taas oo ay xiriir saaxiibtinimo uga kasbanayeen Waddamo ay Itoobiya kamid tahay.<\/p>\n<p>Halkan kala deg Maqaalka oo PDF<br \/>\n<a href=\"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/Isbeddelka-Geeska-Nin-u-togan-ninna-u-taban.pdf\">Isbeddelka Geeska Nin u togan ninna u taban<\/a><\/p>\n<p><strong>WQ: Axmed C. Guutaale<\/strong><\/p>\n<p><strong>Dersa Sharciga &amp; Qaanuunka <\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Gobolka Geeska Afrika waxa loola jeedaa Juquraafi ahaan Dhulka qalalan ee dhaca inta u dhexeysa galbeedka Badda cas iyo gacanka cadmeed una yaal sida geeska oo kale, sidaas marka loo dhigo waa qeexitaan kulminaya 4 dowladood oo kala ah Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Erateriya, Geeska Afrika waxaa soo gelaya dowlado intaas kabadan marka laga fiiriyo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":11300,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59,1,90,72,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11299"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11299"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11299\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/11300"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11299"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11299"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11299"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}