{"id":112890,"date":"2026-08-25T10:22:05","date_gmt":"2026-08-25T09:22:05","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112890"},"modified":"2026-08-25T10:22:05","modified_gmt":"2026-08-25T09:22:05","slug":"sidee-looga-falceliyay-goaanka-maxkamadda-sare-dalka-ee-ku-aadan-doorashadii-ka-dhacday-galmugud","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/sidee-looga-falceliyay-goaanka-maxkamadda-sare-dalka-ee-ku-aadan-doorashadii-ka-dhacday-galmugud\/","title":{"rendered":"Sidee looga falceliyay go\u2019aanka Maxkamadda Sare dalka ee ku aadan doorashadii ka dhacday Galmugud?"},"content":{"rendered":"<p>Falcelin iska soo horjeedda ayaa lagu wajahay go\u2019aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ay ku baabi\u2019isay Doorashadii ka dhacday Galmudug isla markaana ay ku amartay in dib loogu laabto markale doorasho ka duwan tan la tirtiray.<\/p>\n<p>Urur siyaasadeedka Towfiiq oo dood badan horay uga keenay natiijadii uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka ayaa soo dhaweeyay go\u2019aanka Maxkamadda Sare ee Dalka isaga oo bogaadiyay tallaabadaan oo kalsooni buuxda sii siinaysa hay\u2019addaan iyo doorashadaba.<\/p>\n<p>War kasoo baxay hoggaamiyaha Ururka Towfiiq, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu soo dhaweeyay go\u2019aanka waxaana uu ku baaqay in laga fogaado wax weliba oo kahor imaanaya shuruucda doorashada sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWaan u mahadcelinayaa guddoonka Maxkamadda Sare ee dalka sida ay caddaalad u muujiyeen, taageerayaasha Towfiiq waxaan ugu baaqayaa inay go\u2019aanka maxkamadda si wanaagsan u soo dhaweeyaan.\u201d<\/em><\/strong> Sidaasi waxaa yiri Hoggaamiyaha Urur Siyaasadeedka Towfiiq, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.<\/p>\n<p>Marka la eego Xeer-dejinta Soomaaliya waxaa fariimo is diidan ay kasoo kala yeereen Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka, qaarkood ayaa taageeray go\u2019aanka baabi\u2019inta doorashadii ka dhacday Galmudug, halka qaar kale ay ku doodeen in aanay habbooneen in guud ahaan la masaxo natiijadaas.<\/p>\n<p>Xildhibaan Qaali Cali Shire ayaa arrintaan maangal ahayn ku tilmaamay in guud ahaan waxba kama jiraan laga dhigo doorashadii ka dhacay Galmudug, waxa ku doodday in ay habboon tahay meelaha qaladaadkaas ka dhacay keliya go\u2019aanka maxkamadda sare lagu jiheeyo.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cHal degmo waa qalad waa macquul laakiin deegaankii oo dhan iyo degmooyinkii wixii laga soo qabtay waa qalad cid aan ka dhageysanayno malahan, waana dulmi cad.\u201d<\/em><\/strong> Ayay tiri Xildhibaan Qaali Cali Shire Cadceed oo katirsan Golaha Shacabka BFS.<\/p>\n<p>Xildhibaanad Faa\u2019isa Maxamed Jeyte ayaa taageertay go\u2019aanka maxkamadda sare ee dalka ay ku diiday natiijadii doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug, iyada oo bogaadisay tallaabadaas iyo go\u2019aankaas maxkamaddu qaadatay.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cGo\u2019aanka Maxkamadda waan taageersanahay, maxkamadda haddii aan lagu kalsoonaaneynin in la aado ma\u2019ahayn, maxkamadda wax badan bay ilaalisay oo anshaxa ah.\u201d<\/em><\/strong> Sidaasi waxaa tiri Xildhibaan Faa\u2019isa Maxamed Jeyte oo xubin ka ah BFS.<\/p>\n<p>Xildhibaan Ilyaas Axmed Ibraahim ayaa go\u2019aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ku tilmaamay mid khaldan oo aan laga fiirsan, waxa uu shaaciyay in ay jiraan faragelin gudaha iyo mid dibadda ah inkasta oo uusan si toos ah u faahfaahin.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cDoorashada isku duub in la dhaho waxba kama jiraan waaye waa qalad, xogaha aan helayno waxa ay sheegayaan in ay jiraan farogalinno gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo lagu doonayo ajandaha doorashada dalka in lagu majaxaabiyo.\u201d<\/em><\/strong> Ayuu yiri Xildhibaan Ilyaas Axmed Ibraahim oo katirsan Golaha Shacabka BFS.<\/p>\n<p>Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa baabi\u2019inta doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug ku tilmaamay go\u2019aan xididaha u adkaynaya awoodda Maxkamadda Sare ee Dalka iyo kalsoonida lagu qabo.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cGo\u2019aanka Maxkamadda Sare ee JFS ay ku diidday doorashadii Galmudug waa mid dowlad-dhiska Soomaaliya ulamid ah kacaankii sharafta lahaa ee Ingiriiska ee 1688 iyo kii Faransiiska ee 1789, kuwaas oo horseeday dowladnimo ku dhisan hay\u2019ado kala madaxbannaan.\u201d<\/em><\/strong> Sidaasi waxaa yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad<\/p>\n<p>Dhammaadkii sannadkii tagay waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hirgelisay Doorasho Dadweyne oo ay ku tartameen Ururro kooban, taasi oo ka qabsoomtay Muqdisho, waxaa xigtay Koofur Galbeed iyada oo ugu dambaysay doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Falcelin iska soo horjeedda ayaa lagu wajahay go\u2019aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ay ku baabi\u2019isay Doorashadii ka dhacday Galmudug isla markaana ay ku amartay in dib loogu laabto markale doorasho ka duwan tan la tirtiray. Urur siyaasadeedka Towfiiq oo dood badan horay uga keenay natiijadii uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka ayaa soo dhaweeyay go\u2019aanka Maxkamadda Sare&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":112891,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[80,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112890"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112890"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112890\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112892,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112890\/revisions\/112892"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/112891"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112890"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112890"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112890"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}