{"id":112848,"date":"2026-08-24T07:19:02","date_gmt":"2026-08-24T06:19:02","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112848"},"modified":"2026-08-24T07:19:02","modified_gmt":"2026-08-24T06:19:02","slug":"rw-xamsa-waxaan-diidnay-in-aan-dad-dibadda-ka-keensano-oo-dowladnimadeeda-ka-shaqeeyaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/rw-xamsa-waxaan-diidnay-in-aan-dad-dibadda-ka-keensano-oo-dowladnimadeeda-ka-shaqeeyaan\/","title":{"rendered":"RW Xamsa \u201cWaxaan diidnay in aan Dad dibadda ka keensano oo Dowladnimadeeda ka shaqeeyaan\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiday in Ajaanib ay ka shaqeeyaan howlaha lagu horumarinayo Dowladnimada isaga oo xusay in Dadka aqoonyahannada gudaha ay kaalintooda siiyeen.<\/p>\n<p>Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in hagaajinta Dastuurka Dalka ay ka shaqeeyeen Aqoonyahanno Soomaaliyeed iyada oo taasi ka dhigtay in si hagaagsan dib u eegis iyo wax ka baddel logou sameeyo sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p>Dhaqaale badan ayuu tilmaamay in ay ku baxday diyaarintii iyo dib u hagaajintii horay iyada oo ay ka shaqaynayeen Ajaanib isla markaana khaladaadka &amp; qodobada iska hor imaanaya ay ku jireen taasina ay dhalisay in aqoonyahannada gudaha la aamino.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWaxaan diidnay in aan dad dibadda ka keensano oo Dowladnimadeeda ka shaqeeyaan, Dastuurkeenna waxaa ka shaqeeyay aqoonyahannadeeda oo ma jirin ajaanib qayb ka ahayd, sida aad ogtihiin dhaqaale badan ayaa horay loogu bixiyay iyada oo Ajaanib ay ka shaqeynayeen\u201d<\/em><\/strong> Sidaasi waxaa yiri RW XFS, Xamsa Cabdi Barre.<\/p>\n<p>Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya oo leh Bulsho dhallinyaro ah oo aqoon iyo karti leh ay is aamintay si ay u baratanto dunida inteeda kale, Xamsa ayaa bogaadiyay dedaallada iyo xoogga la geliyay Doorashooyinka iyada oo howshaas keliya ay wadaan Dad Soomaali ah.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cDastuurkeenna hadda dhammaaday oo dadkii ka soo shaqeeyay aan ka mid ahaay waxa aan ognahay in malaayiin doollar lagu bixiyay haddana aan dhammaad lahayn, markii aan nimaanay waxa aan ka xannibnay aqoon iyo shilin ajnabi, sidaasi ayaa keentay la dhammaysto, waan Soomaaliyeynay oo Dadka ayaa la dhex dhigay, haddii aan sidaas la samayn lahayn 50 sano xitaa lama dhammaystiri lahayn\u201d<\/em><\/strong> Ayuu hadalkiisa sii raaciyay RW Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiday in Ajaanib ay ka shaqeeyaan howlaha lagu horumarinayo Dowladnimada isaga oo xusay in Dadka aqoonyahannada gudaha ay kaalintooda siiyeen. Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in hagaajinta Dastuurka Dalka ay ka shaqeeyeen Aqoonyahanno Soomaaliyeed iyada oo taasi ka dhigtay in si hagaagsan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":111209,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112848"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112848"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112848\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112849,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112848\/revisions\/112849"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/111209"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112848"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112848"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112848"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}