{"id":11282,"date":"2018-11-14T11:16:36","date_gmt":"2018-11-14T11:16:36","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=11282"},"modified":"2018-11-14T11:29:40","modified_gmt":"2018-11-14T11:29:40","slug":"xulalka-itoobiya-iyo-soomaaliya-oo-galabta-ku-kulmaya-magaalada-addis-ababa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/xulalka-itoobiya-iyo-soomaaliya-oo-galabta-ku-kulmaya-magaalada-addis-ababa\/","title":{"rendered":"Xulalka Itoobiya iyo Soomaaliya oo Galabta ku kulmaya Magaalada Addis Ababa."},"content":{"rendered":"<p>Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya waxaa 3:30pm galabnimo waqtiga geeska afrika ku kulmaya Xulalka 23-jirada Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya lug kamid ah Isreeb-reebka ciyaaraha olombikada 2020-ka lagu qabanayo Magaalada Tokyo ee Xarunta Japan.<\/p>\n<p>Xulka Soomaaliya ayaa sacadihii lasoo dhaafay helay dhammaalo u badan dhiira-gelin, si ay lugta hore ugu yaraan natiijo wanaagsan ugu helaan Xulka Itoobiya oo gurigooda ku dheelaya.<\/p>\n<p>Lugta labaad ayaa lagu dheelayaa wadanka Jabuuti, maadaama Ciyaaraha Soomaalida guri ahaan ay ugu dheelaan Dalka Jabuuti sababo Amni Awgii.<\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Xubno ka socda Safaaradda Soomaalida ee Itoobiya ayaa xalay kulan casho ah u sameeyay Ciyaartoyda 23-jirada ah.<\/p>\n<p>Ra&#8217;iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhammaan furan uu u diray Ciyaartoyda Soomaalida ee ku mataleysa isreeb-reebka tartanka Olombiyada 2020-ka ku dhiira-geliyay in ay guul kasoo hoyaan Ciyaarta.<\/p>\n<p>Waxa uu kheyre sheegay in Shacabka iyo mas&#8217;uuliyiinta Dowladda ay garab taagan yihiin Ciyaartoyda Soomaalida ee lagu neynaaso Xidigaha Badweynta ee (Ocean Stars).<\/p>\n<p>Marka la eego Ciyaaraha Soomaalida, muddooyinkii dambe isbadal ayaa ku imaanayay, waxaana dadka falanqeeyaha Ciyaaraha ay ku sababeeyeen hormarka laga sameynayo kubadda.<\/p>\n<p>Tartamo kala duwan ayaa la qabtay oo ay kamid yihiin Koobka Horyaalka, Kan Dowlad Goboleedyada iyo midka Degmooyinka Gobolka Banaadir, taasine waxa ay keentay in laga dhe xusho Ciyaartoy.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya waxaa 3:30pm galabnimo waqtiga geeska afrika ku kulmaya Xulalka 23-jirada Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya lug kamid ah Isreeb-reebka ciyaaraha olombikada 2020-ka lagu qabanayo Magaalada Tokyo ee Xarunta Japan. Xulka Soomaaliya ayaa sacadihii lasoo dhaafay helay dhammaalo u badan dhiira-gelin, si ay lugta hore ugu yaraan natiijo wanaagsan ugu&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":11283,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[84,47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11282"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11282"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11282\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/11283"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11282"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11282"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11282"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}