{"id":112815,"date":"2026-08-22T18:53:07","date_gmt":"2026-08-22T17:53:07","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112815"},"modified":"2026-08-23T03:55:35","modified_gmt":"2026-08-23T02:55:35","slug":"markab-ay-isku-hayaan-mareykanka-iyo-iraan-ayaa-lagu-afduubtay-xeebaha-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/markab-ay-isku-hayaan-mareykanka-iyo-iraan-ayaa-lagu-afduubtay-xeebaha-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Markab ay isku hayaan Mareykanka iyo Iraan ayaa lagu afduubtay Xeebaha Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Mid kamid ah Maraakiibta Iiraan ka soo qaada Shidaalka oo Mareykanka ku raadjoogay ayaa la xaqiijiyay in Burcad-badeed Soomaali ah ku hayaan Xeebaha Dalka.<\/p>\n<p>Sida ay xaqiijisay Hay\u2019adda Dowladda UK u qaabilsan la socodka Amniga Maraakiibta ee UKMTO, Markabka ayaa lagu magacaaba Sibu 1, waxaana uu ku gooshayay Calanka Dalka Eretariya.<\/p>\n<p>Bishii December ee sannadkii hore ay wasaaradda maaliyadda Mareykanka soo saartay cunaqabateyn adag oo lagu soo rogay Markabka Sibu 1 oo ay ku eedeynayaan inuu Shidaalka si qarsoodi ah uga soo qaado Dalka Iiraan.<\/p>\n<p>Lix nin oo hubeysan ayaa gudaha u galay Markabka oo marayay Xeebaha dalka Yemen, iyagoo u soo weeciyay dhinacaha Biyaha Soomaaliya oo hadda lagu hayo.<\/p>\n<p>Weerarkaan ayaa noqonaya kii 13-aad ee sannadkan ay fuliyaan Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida oo u muuqda in ay soo laba kacleeyeen.<\/p>\n<p>Inta u dhaxeysay 2008 ilaa 2014 waxaa la sameeyay howlgallo culus oo lagula dagaalamayo Kooxaha Burcad-badeeda oo markaasi hoos u dhacay, iyadoo sannadkii 2025 ilaa 2026 la diiwaan galiyay kiisas burcadeed.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Mid kamid ah Maraakiibta Iiraan ka soo qaada Shidaalka oo Mareykanka ku raadjoogay ayaa la xaqiijiyay in Burcad-badeed Soomaali ah ku hayaan Xeebaha Dalka. Sida ay xaqiijisay Hay\u2019adda Dowladda UK u qaabilsan la socodka Amniga Maraakiibta ee UKMTO, Markabka ayaa lagu magacaaba Sibu 1, waxaana uu ku gooshayay Calanka Dalka Eretariya. Bishii December ee sannadkii&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":112816,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112815"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112815"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112815\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112817,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112815\/revisions\/112817"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/112816"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112815"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112815"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112815"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}