{"id":112805,"date":"2026-08-22T09:54:04","date_gmt":"2026-08-22T08:54:04","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112805"},"modified":"2026-08-22T09:54:32","modified_gmt":"2026-08-22T08:54:32","slug":"iiraan-oo-ciraaq-u-ogolaatay-in-maraakiibteeda-shidaalka-ay-ka-gudbaan-marinka-hormuz","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/iiraan-oo-ciraaq-u-ogolaatay-in-maraakiibteeda-shidaalka-ay-ka-gudbaan-marinka-hormuz\/","title":{"rendered":"Iiraan oo Ciraaq u ogolaatay in Maraakiibteeda Shidaalka ay ka gudbaan Marinka Hormuz"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in dhowr Markab oo kuwa Shidaalka qaada ah oo ay leedahay Ciraaq ay u fasaxday inay ka gudbaan Marinka Hormuz oo xayiraad ay saartay ay ka saartay Maraakiibta aanay fasaxa waydiisan.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiiraan, Mohammed Bagher Ghalibaf oo dhowaan booqasho ku tagay Dalka Ciraaq ayaa madaxda dalkaas u sheegay in dalkiisu aanay hor taagnayn Maraakiibtooda Shidaalka isla markaana ay ka gudbi karaan Marinka Hormuz.<\/p>\n<p>Ciraaq ayaa Iiraan la wadaagtay culayska xirnaashiyaha Marinka Hormuz uu ku leeyahay shidaalkeeda maadaama aanay suuragal noqon Karin la si degdeg ah loo hirgeliyo mashruucda Dhuumaha Shidaalka ee looga maarmayo Marinkaas.<\/p>\n<p>Wakaaladda Wararka IRNA oo soo xigatay mas\u2019uuliyiin sare oo katirsan Iiraan ayaa ku warrantay in dhowr Markab oo kuwa Shidaalka qaada ah loo fasaxay Xukuumadda Baqdaad inkasta oo aan la shaacin tiro rasmi ah.<\/p>\n<p>Iiraan ayaa horay u sheegtay in ay ruqsad fasax ah siinayso Maraakiibka shidaalka ee Marinka Hormuz rabta in ay ka gudubto waa haddii ay kasoo baxaan shuruudah ay hordhigayso Xukuumadda Tehran ee dhinaca Amniga hoostagaya.<\/p>\n<p>Tallaabadaan waxa ay kusoo beegmaysa xili saacadihii lasoo dhaafay uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump uu ku dhawaaqay in Marinka Hormuz uu dalkiisa leeyahay iyada oo la dul dhigay su\u2019aalo aan koobnayn oo arrintaas ku saabsan.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in dhowr Markab oo kuwa Shidaalka qaada ah oo ay leedahay Ciraaq ay u fasaxday inay ka gudbaan Marinka Hormuz oo xayiraad ay saartay ay ka saartay Maraakiibta aanay fasaxa waydiisan. Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiiraan, Mohammed Bagher Ghalibaf oo dhowaan booqasho ku tagay Dalka Ciraaq ayaa madaxda dalkaas u sheegay in&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":112806,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112805"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112805"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112805\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112808,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112805\/revisions\/112808"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/112806"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112805"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112805"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112805"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}