{"id":112745,"date":"2026-08-20T04:32:11","date_gmt":"2026-08-20T03:32:11","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112745"},"modified":"2026-08-20T04:32:11","modified_gmt":"2026-08-20T03:32:11","slug":"doorashada-maamulka-hirshabeelle-oo-dib-loo-dhigay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/doorashada-maamulka-hirshabeelle-oo-dib-loo-dhigay\/","title":{"rendered":"Doorashada Maamulka Hirshabeelle oo dib loo dhigay"},"content":{"rendered":"<p>War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay Doorashashooyinka ka qorsheeyay in ay 20 bishaan ka qabsoomaan Maamulka Hirshabeelle.<\/p>\n<p>Guddiga ayaa dib u dhaca doorashada ku sababeeyay si loo dhammaystiro qaar ka mid ah howlaha doorashada ee weli socda.<\/p>\n<p>Bayaanka Guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay weli ka socoto afar degmo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, taas oo ka mid ah sababaha uu guddigu u sheegay dib-u-dhigista doorashada.<\/p>\n<p>Sidoo kale, guddigu wuxuu xusay in loo baahan yahay in ururrada siyaasadda loo siiyo fursad ay taageerayaashooda ugu abaabulaan doorashada, isla markaana loo fududeeyo soo gudbinta liisaska musharraxiinta u tartamaya kuraasta doorashada.<\/p>\n<p>Labada toddobaad ee soo socota gudahood ayaa la filayaa in Guddiga Doorashooyinka ay soo saaraan Liiska Doorashada Maamulka HiHirshabeelle.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay Doorashashooyinka ka qorsheeyay in ay 20 bishaan ka qabsoomaan Maamulka Hirshabeelle. Guddiga ayaa dib u dhaca doorashada ku sababeeyay si loo dhammaystiro qaar ka mid ah howlaha doorashada ee weli socda. Bayaanka Guddiga ayaa lagu sheegay in&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":109692,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112745"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112745"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112745\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112746,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112745\/revisions\/112746"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/109692"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112745"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112745"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112745"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}