{"id":112741,"date":"2026-08-19T15:30:01","date_gmt":"2026-08-19T14:30:01","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112741"},"modified":"2026-08-19T15:30:01","modified_gmt":"2026-08-19T14:30:01","slug":"mw-xasan-sheekh-oo-warqadaha-aqoonsiga-danjirenimo-ka-guddoomay-toddob-safiir","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/mw-xasan-sheekh-oo-warqadaha-aqoonsiga-danjirenimo-ka-guddoomay-toddob-safiir\/","title":{"rendered":"MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay toddob safiir"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirro cusub oo ka socday Toddobo dal.<\/p>\n<p>Safiirrada cusub ee Madaxweynaha ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah: Danjire Mohamed Alim \u2013 Aljeeriya, Danjire Joao Alfredo Dos Anjos \u2013 Brazil, Danjire Dr. Adarsh Swaika \u2013 Hindiya, Danjire Dr. Madou Diallo \u2013 Mali, Danjire Aung Min Oo \u2013 Myanmar, Danjire Danlami Ibrahim \u2013 Nigeria iyo Danjire Aqsa Nawaz \u2013 Pakistan<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha ka dhageystay warbixinno ku saabsan qorsheyaashooda iyo mudnaantooda ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safiirrada cusub u rajeeyay in muddada ay xilalkooda hayaan ay kaalin wanaagsan ka qaataan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga siyaasadeed, dhaqaalaha, horumarinta, amniga iyo arrimaha bulshada.<\/p>\n<p>Dhankooda, safiirrada cusub ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay farriimo iyo salaan ay ka sideen madaxda dalalkooda, iyaga oo muujiyay sida ay uga go\u2019an tahay ka shaqeynta horumarinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirro cusub oo ka socday Toddobo dal. Safiirrada cusub ee Madaxweynaha ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah: Danjire Mohamed Alim \u2013 Aljeeriya, Danjire Joao Alfredo Dos Anjos \u2013 Brazil, Danjire Dr. Adarsh Swaika \u2013 Hindiya, Danjire Dr. Madou&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":112743,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112741"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112741"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112741\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112744,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112741\/revisions\/112744"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/112743"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112741"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112741"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112741"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}