{"id":112685,"date":"2026-08-18T09:35:59","date_gmt":"2026-08-18T08:35:59","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112685"},"modified":"2026-08-18T09:35:59","modified_gmt":"2026-08-18T08:35:59","slug":"dowladnimada-soomaaliya-hayadaha-dowladda-iyo-walaaca-muwaadinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dowladnimada-soomaaliya-hayadaha-dowladda-iyo-walaaca-muwaadinka\/","title":{"rendered":"Dowladnimada Soomaaliya: Hay\u2019adaha Dowladda iyo Walaaca Muwaadinka"},"content":{"rendered":"<p><strong>Hordhac<\/strong><\/p>\n<p>Dowladnimadu ma aha oo keliya dhismaha hay\u2019ado iyo magacaabista masuuliyiin; qiimaha ay leedahay waxaa lagu cabbiraa sida ay uga jawaabto baahiyaha muwaadiniinta. Muwaadinku wuxuu dowladda ka filayaa amni iyo xasillooni, adeegyo aasaasi ah, dhaqaale iyo fursado shaqo, waxbarasho tayo leh, caafimaad la heli karo, iyo cadaalad loo siman yahay. Marka baahiyahaas la waayo ama ay si aan sinnayn u gaaraan bulshada, waxaa daciifa kalsoonida muwaadinka ee dowladda.<\/p>\n<p>Tan iyo dhismihii Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, waxaa la aasaasay hay\u2019ado badan oo dowladeed iyo kuwo bulsho. Guud ahaan, hay\u2019adaha dowladda federaalka Soomaaliya waxay ka kooban yihiin 71 hay\u2019adood oo loo qaybiyey afar tiir: 34 hay\u2019adood oo adeegga maamulka ah, 8 hay\u2019adood oo adeegga difaaca iyo amniga ah, 20 hay\u2019adood oo adeegga dhaqaalaha ah, iyo 9 hay\u2019adood oo adeegga bulshada ah. Hay\u2019adahan ayaa loo dhisay inay qabtaan shaqooyin kala duwan oo lafdhabar u ah dowladnimada, amniga, dhaqaalaha iyo nolosha bulshada.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, ballaarinta hay\u2019adaha dowladda waxay dhalisay su\u2019aalo ku saabsan awooddooda, miisaaniyadahooda, adeegyada ay bixiyaan, nidaamka shaqaalaysiinta, daahfurnaanta iyo isku-xirka hay\u2019adaha. Sidaas darteed, su\u2019aashu ma aha oo keliya inta hay\u2019adood ee dalka ka jirta, balse waa waxa ay hay\u2019adahaasi dhab ahaan u qabtaan muwaadinka iyo sababta adeegyada dowladdu aysan weli si siman u gaarin bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Maqaalkani wuxuu si kooban u eegayaa afarta qaybood ee hay\u2019adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, caqabadaha ay wajahayaan, walaaca bulshada iyo tallaabooyinka loo baahan yahay si loo xoojiyo dowladnimada iyo adeegyada shacabka.<\/p>\n<p><strong>Hay\u2019adaha Adeegga Maamulka \u2013 34 Hay\u2019adood<\/strong><\/p>\n<p>Hay\u2019adaha adeegga maamulka waa hay\u2019adaha u xilsaaran maamulka dowladda, dejinta siyaasadaha guud iyo hagidda jihada horumarineed ee dalka. Waxay ka kooban yihiin 34 hay\u2019adood, waxaana ka mid ah Xafiiska Golaha Shacabka, Xafiiska Aqalka Sare, Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Waxaa sidoo kale ka mid ah xafiisyo madaxbannaan sida Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud, Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Xafiiska Hanti-dhowrka Guud, iyo guddiyo madaxbannaan oo dastuuri ah ama lagu dhisay soo jeedinta laanta fulinta.<\/p>\n<figure style=\"width: 1236px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq2-1.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/778958139_122211497468387124_2648986682734231813_n.jpg?stp=dst-jpg_tt6&amp;cstp=mx1236x1600&amp;ctp=s1236x1600&amp;_nc_cat=108&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=127cfc&amp;_nc_ohc=NwbayVpbc98Q7kNvwH3eY_X&amp;_nc_oc=AdqXtyY-PwK1jNC8-22hfk628kwgBo7s5OaBcnwXI7gxH6tHpxpeG7asfU4qCUferQE&amp;_nc_zt=23&amp;_nc_ht=scontent.fmgq2-1.fna&amp;_nc_gid=_9LFMekM0sVZNW7Dojy8AQ&amp;_nc_ss=7b2a8&amp;oh=00_AQEHYPJ46MNaxr_3upTQ8wZUgwGJo3rTrWbGEo3a0hha5A&amp;oe=6A89FE23\" alt=\"May be an image of text\" width=\"1236\" height=\"1600\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Hay\u2019adaha Adeegga Maamulka<\/figcaption><\/figure>\n<p>Waxaa jira hay\u2019ado muhiim u ah ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo isku-xirka dowladaha oo aan weli si buuxda loo hirgelin. Waxaa ugu horreeya Xafiiska Ilaaliyaha Dadweynaha (Ombudsman), kaas oo qaabilsan cabashooyinka muwaadiniinta ee ku saabsan adeegyada iyo go\u2019aannada hay\u2019adaha dowladda, isla markaana ka shaqeeya cadaaladda maamulka iyo isla-xisaabtanka. Sidoo kale, waxaa muhiim ah Guddiga Isku-xirka Xukuumadaha, maadaama Soomaaliya tahay dal federaal ah oo leh heerar kala duwan oo dowladeed.<\/p>\n<p>Hay\u2019adaha adeegga maamulka waxay wajahaan caqabado siyaasadeed iyo dhaqaale. Siyaasadda ku dhisan qabiilka ayaa saameyn ku yeelatay tayada iyo hufnaanta shaqaalaha, iyadoo magacaabista iyo shaqaalaysiinta mararka qaar lagu saleeyo dano siyaasadeed iyo qabiil halkii lagu saleyn lahaa aqoon, karti iyo mudnaan (meritocracy). Khilaafaadka siyaasadeed iyo isbeddellada hoggaanka ayaa sidoo kale wiiqa joogtaynta qorshayaasha hay\u2019adaha. Dhanka dhaqaalaha, miisaaniyad aan ku filnayn ayaa keenta in qoondadu inta badan ku baxdo mushahaaro, safarro iyo kharashaadka maamulka, halka mashaariic badan ay ku tiirsan yihiin maalgelin dibadeed oo mararka qaar noqota donor-driven halkii ay ka ahaan lahayd community-driven. Qoondada miisaaniyadda hay\u2019adahan waxaa lagu qiyaasay $<strong>328,069,152<\/strong>.<\/p>\n<p><strong>Hay\u2019adaha Adeegga Difaaca iyo Amniga \u2013 8 Hay\u2019adood<\/strong><\/p>\n<p>Hay\u2019adaha difaaca iyo amniga waxay muhiim u yihiin ilaalinta dhulka, dadka, xukuumadda iyo gobannimada dalka. Waxay ka shaqeeyaan ilaalinta xuduudaha, difaaca madaxbannaanida, sugidda amniga gudaha, ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniinta, iyo ka hortagga rabshadaha iyo khataraha gudaha iyo dibadda. Waxay sidoo kale laf-dhabar u yihiin mabda\u2019a <em>monopoly of violence<\/em>, oo ah in dowladda ay yeelato awoodda sharciyeysan ee isticmaalka xoogga.<\/p>\n<p>Hay\u2019adahan waxay ka kooban yihiin 8 hay\u2019adood, oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Hay\u2019adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, iyo Hay\u2019adda Naafada iyo Agoonta Ciidanka Qalabka Sida.<\/p>\n<figure style=\"width: 1236px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq2-1.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/770719922_122211497288387124_8049563775448287358_n.jpg?stp=dst-jpg_tt6&amp;cstp=mx1236x505&amp;ctp=s1236x505&amp;_nc_cat=101&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=127cfc&amp;_nc_ohc=dLlO0IiutZ8Q7kNvwELYVOy&amp;_nc_oc=AdojfVnPZTYR2nirnFhNvpml2Ka9iSNCndT0Serq3jN16SKKdTLGM-zW_mqopSOcBTQ&amp;_nc_zt=23&amp;_nc_ht=scontent.fmgq2-1.fna&amp;_nc_gid=_9LFMekM0sVZNW7Dojy8AQ&amp;_nc_ss=7b2a8&amp;oh=00_AQGT3mWQc_LSm2xprq-NudBLLfGkZVtCew48X4vQu7jvlQ&amp;oe=6A8A0643\" alt=\"May be an image of text\" width=\"1236\" height=\"505\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Hay&#8217;adaha Adeega Difaaca iyo Amniga<\/figcaption><\/figure>\n<p>Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed waxay door muhiim ah ku leedahay difaaca iyo amniga qaranka. Waxay maamushaa socdaalka, bixisaa baasaboorrada iyo dukumentiyada safarka, maamushaa jinsiyadda, waxayna ilaalisaa marinnooyinka laga soo galo lagana baxo dalka. Waxay sidoo kale ka qaybqaadataa ka hortagga socdaalka sharci-darrada ah, tahriibka iyo gelitaanka dadka khatarta ku noqon kara amniga qaranka.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, hay\u2019adaha difaaca iyo amniga waxay wajahaan dhaqaale yari, khilaaf siyaasadeed iyo faragelin dibadeed. Miisaaniyaddooda waxaa lagu qiyaasay $<strong>264,789,394<\/strong>, balse Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed weli waxay wajahaan caqabado la xiriira mushahar, daryeel iyo qalab. Qoysaska, agoonta iyo naafada ciidamada sidoo kale ma helaan daryeel ku filan. Waxaa intaas dheer faragelinta dowladaha iyo hay\u2019adaha shisheeye iyo shuruudaha ku xiran dib-u-dhiska hay\u2019adaha amniga. Bulshadu waxay sidoo kale ka walaacsan tahay jiritaanka kooxo hubeysan iyo qabaa\u2019il hubeysan, ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye, iyo qorshe qaran oo aan weli si buuxda u mideysnayn.<\/p>\n<p><strong>Hay\u2019adaha Adeegga Dhaqaalaha \u2013 20 Hay\u2019adood<\/strong><\/p>\n<p>Faqriga iyo dhaqaale-xumadu waa dhibaatooyin muddo dheer ay la tacaalayeen bulshada Soomaaliyeed iyo dowladda. Soomaaliya waxay leedahay ilo dhaqaale oo badan sida dhul beereed, bad, xoolo iyo khayraad dabiici ah, hase yeeshee hay\u2019adaha loo dhisay horumarinta dhaqaalaha ayaan si muuqata uga faa\u2019iideysan fursadahaas. Hay\u2019adaha adeegga dhaqaalaha waxay ka kooban yihiin 20 hay\u2019adood, waxaana ka mid ah Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Wasaaradda Macdanta, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda, Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. Qoondada miisaaniyaddoodu waa $<strong>390,747,646<\/strong>.<\/p>\n<figure style=\"width: 1170px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq2-1.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/778882532_122211497870387124_7272703496736618709_n.jpg?stp=dst-jpg_tt6&amp;cstp=mx1170x1118&amp;ctp=s1170x1118&amp;_nc_cat=111&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=127cfc&amp;_nc_ohc=jpaIBNy2AHIQ7kNvwH-UGFo&amp;_nc_oc=Adp9aA2KDrXHUrzzIUBneANFxwAxXv0TYjwCnQKf51XtGz2IOfhRPjPsWn9SOuymH9s&amp;_nc_zt=23&amp;_nc_ht=scontent.fmgq2-1.fna&amp;_nc_gid=5taSSwKqilA8CJUrTHGI7w&amp;_nc_ss=7b2a8&amp;oh=00_AQGCWoq_QTmPNT7SdNFSktGB-v6rKKbGX4dBxFUbPhhUkQ&amp;oe=6A89DF72\" alt=\"May be an image of text\" width=\"1170\" height=\"1118\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Hay&#8217;adaha Adeega Dhaqaalaha<\/figcaption><\/figure>\n<p>Dekadda Muqdisho waa dekadda kaliya ee si toos ah u maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya, waana mid ka mid ah ilaha muhiimka ah ee dakhliga dowladda. Dekadaha kale intooda badan ma shaqeeyaan ama waxaa maamula dowlad-goboleedyo. Dekadaha shaqeeya waxay wajahaan caqabado ay ka mid yihiin kaabayaal aan ku filnayn, qalab casri ah oo yar, isku-xirnaanta gaadiidka oo liidata, nidaamyo shaqo oo u baahan horumarin iyo awoodda dowladda ee kormeerka iyo hagidda oo kooban. Qaar badan waxaa maamulka ama horumarinta lagu wareejiyey shirkado ajaanib ah iyo kuwo dowladeed sida DP World iyo Albayrak, marka laga reebo dekadaha Kismaayo iyo Garacad.<\/p>\n<p>Hay\u2019adaha adeegga dhaqaalaha waxaa sidoo kale saameeya maamulxumo, amni darro, dhaqaale yari iyo mudnaan la\u2019aan. Saameynta isbeddelka cimilada, gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha, waxay si weyn u saameeyeen xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda, taasoo dhalisay su\u2019aalo ku saabsan waxqabadka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Qaar ka mid ah hay\u2019adaha dhaqaalaha ma laha bogag rasmi ah oo nidaamsan ama xogtooda si joogto ah looma cusbooneysiiyo.<\/p>\n<p>Amni-darrada, colaadaha iyo kala aamin-baxa bulshada ayaa sidoo kale caqabad ku ah maalgashiga gudaha iyo dibadda. Dhallinyaro wax ku baratay gudaha dalka ayaa mararka qaar ku adkaata inay shaqo ama fursad dhaqaale ka helaan deegaan aan ahayn halka ay kasoo jeedaan, taasoo qayb ka noqotay sababaha dhalinyaro badan ay ugu tahriibaan dibadda. Sidaas darteed, hay\u2019adaha dhaqaalaha waxaa muhiim u ah in loo sameeyo jawi amni, dhaqaale iyo maamul oo qof kasta oo Soomaali ahi uu fursad ugu heli karo inuu ku noolaado kuna shaqeeyo dhammaan deegaanada dalka.<\/p>\n<p><strong>Hay\u2019adaha Arrimaha Bulshada \u2013 9 Hay\u2019adood<\/strong><\/p>\n<p>Fikradda <em>Welfare State<\/em> waxay ballaarisay doorka dowladda, iyadoo laga filayo inay daryeesho muwaadiniinta, yareyso faqriga iyo gaajada, bixiso caafimaad iyo waxbarasho, isla markaana kor u qaaddo fursadaha nololeed. Soomaaliya, hay\u2019adaha adeegga bulshada waxay ka shaqeeyaan laba heer oo kala ah federaal iyo dowlad-goboleed, waxaana heerka federaalka ka jira 9 hay\u2019adood. Kuwa ugu waaweyn waxaa ka mid ah Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, iyo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.<\/p>\n<p>Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa lagu tilmaamay wasaaradda ugu waxqabadka wanaagsan hay\u2019adaha adeegga bulshada, gaar ahaan muddada xil-haynta dowladda hadda jirta. Waxay shaqaaleysiisay ku dhowaad <strong>6,000 oo macallin<\/strong>, waxayna la wareegtay dugsiyo badan oo laga dhigay kuwo lacag la\u2019aan ah inta badan gobollada dalka, marka laga reebo Puntland oo dhinaca waxbarashada ka baxsan nidaamka guud ee dalka.<\/p>\n<figure style=\"width: 1236px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq2-1.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/778958005_122211498680387124_7257127870472144054_n.jpg?stp=dst-jpg_tt6&amp;cstp=mx1236x466&amp;ctp=s1236x466&amp;_nc_cat=106&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=127cfc&amp;_nc_ohc=Gys-8ber5nQQ7kNvwFNZSjN&amp;_nc_oc=AdocYXg9cUjnNrYONITMpwewxPSshDfmym38r1Ynyn1OmTa1QD4fPqHzPx1OJyLCdms&amp;_nc_zt=23&amp;_nc_ht=scontent.fmgq2-1.fna&amp;_nc_gid=76F1G1mDySM93JxTjuIdrA&amp;_nc_ss=7b2a8&amp;oh=00_AQHViWLsodejmbU6R7Rxk_vc1ibIsG05XXTtELidRKVFaQ&amp;oe=6A89D5BA\" alt=\"No photo description available.\" width=\"1236\" height=\"466\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Hay\u2019adaha Arrimaha Bulshada<\/figcaption><\/figure>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Dhanka kale, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga waxay wajahaysaa fashil la xiriira horumarinta ciyaaraha iyo dhallinyarada, kuma guulaysan isku-xirka xiriirrada kubadda cagta, waxaana tartamada isboortigu ku kooban yihiin tartamo ay ka mid yihiin Somali National League, tartanka degmooyinka gobolka Banaadir iyo tartamada maamul-goboleedyada oo sannadihii dambe ay saameeyeen khilaafyo siyaasadeed.<\/p>\n<p>Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa iyaduna wajahaysa su\u2019aalo ku saabsan shaqo-abuurka iyo horumarinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada. Shaqaalaha, gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay, waxay la kulmaan saacado shaqo oo aan si cad loo xaddidin, mushahar aan lahayn heer dammaanad ah, fasaxyo aan ku filnayn iyo magdhow la\u2019aan marka ay shaqada waxyeello ka soo gaarto. Tani waxay muujinaysaa xaalado u eg <em>labour exploitation<\/em>. Sidoo kale, nidaamka shaqaalaysiinta dowladda waxaa lagu dhaliilaa qabiil, eex iyo xiriirro shaqsiyeed.<\/p>\n<p>Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waa hay\u2019adda keliya ee bixisa waxbarasho sare oo lacag la\u2019aan ah, waxayna door weyn ka qaadatay waxbarashada sare ee dalka. Waxaa ka faa\u2019iideysta dhallinyaro ka kala yimaada gobollada dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kaga dhawaaqay kalfadhigii siddeedaad ee Baarlamaanka in dowladda ay qorshaynayso jaamacad labaad oo bilaash ah, taasoo rajo gelisay bulshada aan awoodin kharashaadka jaamacadaha gaarka loo leeyahay.<\/p>\n<h2>Caqabadaha Hay\u2019adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya<\/h2>\n<p>Inkasta oo hay\u2019adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay leeyihiin mas\u2019uuliyado kala duwan, haddana waxaa jira caqabado guud oo si wadajir ah u saameeya awooddooda maamul iyo adeeg-bixineed. Caqabadaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah <strong>maamul-xumo, dhaqaale yari, musuqmaasuq, eex, shaqaalaysiin aan ku salaysnayn aqoon iyo karti, iyo xasillooni-darro siyaasadeed<\/strong>. Nidaamka shaqaalaysiinta iyo magacaabista hay\u2019adaha dowladda ayaa mararka qaar lagu dhaliilaa inuu ku salaysan yahay qabiil, dano siyaasadeed iyo xiriirro gaar ah, halkii lagu salayn lahaa mudnaan, aqoon iyo karti (meritocracy). Isbeddellada joogtada ah ee hoggaanka hay\u2019adaha ayaa sidoo kale wiiqa sii socoshada qorshayaasha iyo siyaasadaha dowladda.<\/p>\n<p>Dhaqaale yari ayaa iyaduna si weyn u xaddidaysa awoodda hay\u2019adaha dowladda. Miisaaniyadaha hay\u2019adaha qaar kuma filna baahiyaha ay qabaan, iyadoo qayb weyn oo miisaaniyadda ah ay ku baxdo mushaar, safarro iyo kharashaadka maamulka. Adeegyo iyo mashaariic badan ayaa ku tiirsan maalgelin ay bixiyaan dowlado shisheeye iyo hay\u2019ado caalami ah, taasoo mararka qaar keenta in mashaariicdu noqdaan <em>donor-driven<\/em> halkii ay si toos ah uga dhalan lahaayeen baahiyaha bulshada (<em>community-driven<\/em>). Dhanka kale, musuqmaasuqa, gaar ahaan isticmaalka hantida iyo awoodda dowladda dano gaar ah, wuxuu wiiqaa kalsoonida bulshada iyo waxtarka hay\u2019adaha.<\/p>\n<p>Hay\u2019adaha difaaca iyo amniga waxay si gaar ah u wajahayaan caqabado la xiriira dhaqaale yari, qalab iyo tababar aan ku filnayn, khilaaf siyaasadeed, iyo faragelin dibadeed. Daciifnimada hay\u2019adaha amniga waxay sii adkaysay in si buuxda looga adkaado kooxaha hubeysan iyo in la helo awood dowladeed oo si siman uga shaqaysa dalka. Sidoo kale, ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye iyo shuruudaha ku xiran taageerada dibadda ayaa caqabad ku ah dhismaha hay\u2019ado difaac iyo amni oo awood qaran leh.<\/p>\n<p>Dhanka hay\u2019adaha adeegga dhaqaalaha, amni-darrada, colaadaha, kala aamin-baxa bulshada, kaabayaal dhaqaale oo aan ku filnayn, iyo mudnaan la\u2019aanta loo hayo hay\u2019adaha dhaqaalaha ayaa wiiqay awoodda dalka ee ka faa\u2019iidaysiga khayraadkiisa. Inkasta oo Soomaaliya leedahay dhul beereed, bad, xoolo iyo khayraad dabiici ah, haddana hay\u2019adihii loo xil saaray horumarinta ilahaas ayaan weli awoodin inay si buuxda uga faa\u2019iideystaan. Dekadaha dalka waxay sidoo kale la tacaalayaan caqabado ay ka mid yihiin kaabayaal aan ku filnayn, qalab casri ah oo yar, isku-xirnaanta gaadiidka oo liidata iyo awoodda dowladda ee kormeerka iyo hagidda.<\/p>\n<p>Waxaa intaas dheer khilaafka iyo isku-xirnaan la\u2019aanta u dhexeysa dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Hay\u2019adaha labada heer mararka qaar waxay yeeshaan masuuliyado isku dhow ama is dul saaran (<em>duplication and overlapping<\/em>), taasoo keenta isku dhex yaac shaqo iyo dib u dhac adeeg. Maqnaanshaha Guddiga Isku-xirka Xukuumadaha, oo loogu talagalay inuu isku xiro labada heer ee dowladda, ayaa sidoo kale caqabad ku ah wada-shaqeynta iyo qorsheynta mideysan.<\/p>\n<h2>Walaaca Bulshada<\/h2>\n<p>Walaaca ugu weyn ee bulshada Soomaaliyeed wuxuu ku saabsan yahay <strong>tayada iyo helitaanka adeegyada dowladda, amniga, faqriga, shaqo la\u2019aanta, waxbarashada, caafimaadka iyo cadaaladda<\/strong>. Muwaadiniintu waxay ka cabanayaan in adeegyada dowladda aysan si siman u gaarin dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, halka adeegyada qaar ay ku koobnaadaan caasimadaha iyo xarumaha waaweyn.<\/p>\n<p>Bulshada waxay sidoo kale walaac ka qabtaa tirada iyo tayada shaqaalaha dowladda, iyadoo su\u2019aalo laga qabo in hay\u2019aduhu haystaan shaqaale ku filan oo leh aqoon iyo xirfad ku habboon. Eexda, qabiilka, musuqmaasuqa, maamul-xumada iyo isla-xisaabtan la\u2019aanta ayaa loo arkaa arrimo wiiqaya kalsoonida muwaadiniinta. Dhanka kale, adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada oo aan si siman loo heli karin, shaqo la\u2019aanta oo sareysa, iyo fursadaha dhaqaale oo kooban ayaa sii kordhiyey walaaca bulshada.<\/p>\n<p>Amni-darrada iyo colaadaha ayaa iyaguna saameyn ku yeeshay nolosha iyo fursadaha muwaadiniinta. Dhallinyaro badan ayaa wajahaya shaqo la\u2019aan iyo fursad la\u2019aan dhaqaale, halka qaar badan ay tahriibka u arkaan waddo ay kaga baxaan xaaladaha adag ee nololeed. Abaaraha, fatahaadaha iyo barakaca dadka kasoo qaxaya deegaanadii ay ku tiirsanaayeen xoolaha iyo beeraha ayaa sii kordhiyey nuglaanta bulshada.<\/p>\n<h2>Talo-soo-jeedin Guud<\/h2>\n<p>Si loo xoojiyo hay\u2019adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagama maarmaan ah in <strong>magacaabista iyo shaqaalaysiinta lagu saleeyo aqoon, karti, khibrad iyo mudnaan (meritocracy)<\/strong>, lana yareeyo saameynta qabiilka, eexda iyo xiriirrada gaarka ah. Waa in la xoojiyo isla-xisaabtanka, hufnaanta maamulka iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, iyadoo la dejinayo xeerar iyo siyaasado cad oo lagu ilaalinayo hantida iyo awoodda dowladda.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale muhiim ah in la kordhiyo dakhliga gudaha dalka si dowladda ay u hesho dhaqaale joogto ah oo ay ku maalgeliso adeegyada muhiimka ah. Hay\u2019adaha dhaqaalaha waa in la siiyo mudnaanta ay ku leeyihiin dowladnimada, si loo horumariyo beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, dekadaha, warshadaha iyo khayraadka dabiiciga ah. Dakhliga kasoo xarooda dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo canshuuraha kale waa in si hufan, daahfuran oo isla-xisaabtan leh loo maamulo si dalka looga yareeyo ku tiirsanaanta dhaqaalaha dibadda.<\/p>\n<p>Dhanka difaaca iyo amniga, waa in la kordhiyo miisaaniyadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hay\u2019adaha kale ee amniga, lana horumariyo tirada iyo tayada ciidamada, tababarkooda, qalabkooda, mushaharkooda iyo daryeelkooda. Waa in la dejiyo siyaasad qaran oo mideysan oo lagu dhisayo hay\u2019ado difaac iyo amni oo awood u leh inay si tartiib ah ula wareegaan mas\u2019uuliyadda amniga dalka, isla markaana la yareeyo ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waa in la xoojiyo wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, lana dhiso <strong>Guddiga Isku-xirka Xukuumadaha<\/strong> si loo yareeyo khilaafaadka, isku dhex yaaca shaqooyinka iyo hay\u2019adaha is dul saaran. Ugu dambayn, adeegyada dowladda waa in si dhab ah loo daadajiyaa <strong>dowladaha hoose<\/strong>, maadaama ay yihiin heerka ugu dhow muwaadinka. Xoojinta dowladaha hoose waxay fududeyn kartaa in waxbarashada, caafimaadka, amniga, adeegyada bulshada iyo adeegyada kale ay si toos ah u gaaraan bulshada.<\/p>\n<p>Haddii la helo hay\u2019ado ku dhisan aqoon iyo karti, dhaqaale gudaha ah oo xooggan, amni la isku halayn karo, wada-shaqeyn dowladeed, isla-xisaabtan iyo adeegyo loo daadejiyey shacabka, waxaa suuragal ah in la dhiso dowlad ay muwaadiniintu ku kalsoonaadaan, isla markaana awood u leh inay si caddaalad iyo hufnaan leh uga jawaabto baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>_________________________________________________________________<\/p>\n<p><strong>WQ:<\/strong>\u00a0Cabdicasiis Xuseen Maxamed, Cilmi-baare ka tirsan Somali Public Agenda SPA<\/p>\n<p><strong>Gmail:<\/strong>\u00a0<a href=\"mailto:Abdiazizhussein8843@gmail.com\">Abdiazizhussein8843@gmail.com<\/a><\/p>\n<p><strong>Afeef:<\/strong>\u00a0Maqaalkan &amp; kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hordhac Dowladnimadu ma aha oo keliya dhismaha hay\u2019ado iyo magacaabista masuuliyiin; qiimaha ay leedahay waxaa lagu cabbiraa sida ay uga jawaabto baahiyaha muwaadiniinta. Muwaadinku wuxuu dowladda ka filayaa amni iyo xasillooni, adeegyo aasaasi ah, dhaqaale iyo fursado shaqo, waxbarasho tayo leh, caafimaad la heli karo, iyo cadaalad loo siman yahay. Marka baahiyahaas la waayo ama&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":107438,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[102,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112685"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112685"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112685\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112686,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112685\/revisions\/112686"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/107438"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112685"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112685"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112685"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}