{"id":112670,"date":"2026-08-17T19:43:41","date_gmt":"2026-08-17T18:43:41","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112670"},"modified":"2026-08-18T03:45:28","modified_gmt":"2026-08-18T02:45:28","slug":"madaxweynaha-uganda-oo-la-dabaaldagay-wiil-uu-awoow-u-yahay-oo-ku-biiray-ciidanka-dalkaas","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/madaxweynaha-uganda-oo-la-dabaaldagay-wiil-uu-awoow-u-yahay-oo-ku-biiray-ciidanka-dalkaas\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Uganda oo la dabaaldagay wiil uu awoow u yahay oo ku biiray ciidanka dalkaas"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa hambalyo u diray wiilka uu awoowaha u yahay, Ruhamya Kainerugaba oo ka qalin-jabiyay Akadeemiyadda Militariga Boqortooyada Ingiriiska ee Sandhurst.<\/p>\n<p>Ruhamya, oo ah wiilka ugu weyn ee Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Gen. Muhoozi Kainerugaba, ayaa tababarka sarkaalnimada ku soo qaatay Sandhurst, waxaana uu qalin-jabiyay horraantii bishan isaga oo ay weheliyaan askari kale oo Ugandheys ah.<\/p>\n<p>Madaxweyne Museveni oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Ruhamya uu ku biiray ciidamada Uganda, isaga oo sidoo kale hambalyo u diray askarta kale.<\/p>\n<p>Wiilka uu Museveni Awoowaha u yahay ayaa soo bartay xirfado kala duwan sida\u00a0tababarrada dagaalka, xirfadaha milatari iyo qiimeynta hoggaaminta.<\/p>\n<p>Ruhamya wuxuu hadda ku biirayaa Ciidamada Difaaca Uganda, isagoo sii raacaya waddadii aabbihii Gen. Muhoozi Kainerugaba, kaas oo isna hore uga qalin-jabiyay Sandhurst.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa hambalyo u diray wiilka uu awoowaha u yahay, Ruhamya Kainerugaba oo ka qalin-jabiyay Akadeemiyadda Militariga Boqortooyada Ingiriiska ee Sandhurst. Ruhamya, oo ah wiilka ugu weyn ee Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Gen. Muhoozi Kainerugaba, ayaa tababarka sarkaalnimada ku soo qaatay Sandhurst, waxaana uu qalin-jabiyay horraantii bishan isaga oo ay weheliyaan askari&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":112671,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112670"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112670"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112670\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112672,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112670\/revisions\/112672"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/112671"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112670"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112670"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112670"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}