{"id":112560,"date":"2026-08-13T06:51:30","date_gmt":"2026-08-13T05:51:30","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112560"},"modified":"2026-08-13T06:52:06","modified_gmt":"2026-08-13T05:52:06","slug":"maxay-tahay-taariikhda-uu-xalay-sameeyay-garsoore-cumar-cabdiqaadir-cartan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxay-tahay-taariikhda-uu-xalay-sameeyay-garsoore-cumar-cabdiqaadir-cartan\/","title":{"rendered":"Maxay tahay taariikhda uu xalay sameeyay Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan?"},"content":{"rendered":"<p>Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa xalay dhigay rikoor cusub oo dhinaca ciyaaraha ah, isagoo noqday qofkii ugu horreeyay ee aan u dhalan Yurub, kaasi oo dhexdhexaadiya ciyaar kama dambaysta aheyd ee UEFA Super Cup.<\/p>\n<p>Ciyaartan oo dhex martay kooxaha PSG oo haysata horyaalnimada Champions League\u00a0 iyo Aston Villa oo ku soo guuleysatay UEFA Europa League, ayuu Cumar u maamulay si ay ku jirto Xirfad iyo Degannaan.<\/p>\n<p>Natiijada Ciyaarta Kulanka ayaa kusoo dhammaaday 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda PSG. Labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar ku dhisan weerar iyo difaac isugu jirta, balse garsoore Cumar Cartan ayaa si weyn loogu ammaanay sida uu u maareeyay cadaadiska ciyaarta, go\u2019aannadiisii dhex-dhexaadnimadii uu muujiyay.<\/p>\n<p>Ciyaarta ayaa waxaa ka qeyb galay taageerayaal badan, iyadoo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen Madax uu kamid yahay Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagame.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxaa goobta ku sugnaa madaxda sare ee xiriirka kubadda cagta Yurub UEFA iyo marti sharaf kale oo caalami ah.<\/p>\n<p>Garsoore Cartan ayaa helay taageero caalami ah, ka dib markii bishii June ee sannadkan uu Mareykanka, diiday inuu gudaha u galo wadankaasi, si uu u dhexdhexaadiyo kulamada Koobka Adduunka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa xalay dhigay rikoor cusub oo dhinaca ciyaaraha ah, isagoo noqday qofkii ugu horreeyay ee aan u dhalan Yurub, kaasi oo dhexdhexaadiya ciyaar kama dambaysta aheyd ee UEFA Super Cup. Ciyaartan oo dhex martay kooxaha PSG oo haysata horyaalnimada Champions League\u00a0 iyo Aston Villa oo ku soo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":112561,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112560"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112560"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112560\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112563,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112560\/revisions\/112563"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/112561"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112560"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112560"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112560"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}