{"id":112528,"date":"2026-08-11T17:39:23","date_gmt":"2026-08-11T16:39:23","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112528"},"modified":"2026-08-11T17:39:23","modified_gmt":"2026-08-11T16:39:23","slug":"maxay-tahay-farriinta-uu-rw-xamse-u-diray-wakiilada-beesha-caalamka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxay-tahay-farriinta-uu-rw-xamse-u-diray-wakiilada-beesha-caalamka\/","title":{"rendered":"Maxay tahay farriinta uu RW Xamse u diray Wakiilada Beesha Caalamka?"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Deeq-bixiyeyaashu in ay wax ka badalaan sida ay ula dhaqmaan Dowladda Federaalka.<\/p>\n<p>Khudbad uu maanta jeediyay Ra\u2019iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in ay Soomaaliya ka gudubtay caqabado kala duwan oo ay soo martay iyo xaaladii kumeel gaarnimada.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlayay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, deyn cafiska iyo dhismaha hay\u2019adaha dowladda, ayaa sheegay in deeq-bixiyeyaashu ay weli ku dheggan yihiin aragtidiidii hore ee laga qabay Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>&#8220;Beesha Caalamka iyo Deeq-bixiyeyaasha dhibaatada ugu weyn iyaga ayay haysataa oo u baahan in ay isbeddelaan. Soomaaliyadii ay yiqiineen ee KMG-ka ahayd ayay weli ku socdaan,&#8221;<\/strong> ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.<\/p>\n<p>Hadalkan ka soo yeeray Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa imaanaya xilli Wakiilada Beesha Caalamka ay Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ku cadaadinayaan in ay gaaraan heshiis loo dhan yahay si dalka u aado Doorasho.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Deeq-bixiyeyaashu in ay wax ka badalaan sida ay ula dhaqmaan Dowladda Federaalka. Khudbad uu maanta jeediyay Ra\u2019iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in ay Soomaaliya ka gudubtay caqabado kala duwan oo ay soo martay iyo xaaladii kumeel gaarnimada. Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":98148,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112528"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112528"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112528\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112530,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112528\/revisions\/112530"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/98148"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112528"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112528"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112528"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}