{"id":112402,"date":"2026-08-06T10:41:39","date_gmt":"2026-08-06T09:41:39","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112402"},"modified":"2026-08-06T10:41:39","modified_gmt":"2026-08-06T09:41:39","slug":"maxaa-looga-hadlay-kulanka-golaha-wasiirrada-xfs-6","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxaa-looga-hadlay-kulanka-golaha-wasiirrada-xfs-6\/","title":{"rendered":"Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirrada XFS?"},"content":{"rendered":"<p>Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.<\/p>\n<p>War-saxaafaded ka soo baxay kulanka ayaa lagu dhageystay warbixinta Wasaaradda Amniga Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay inuu meel wanaagsan marayo qorshaha dib u habeynta iyo casriyeynta Baasaboorka Soomaaliga.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wasaaradda ayaa Golaha Wasiirrada ka shaaciyay in gebi ahaanba la joojiyay wax ka badelka xogta shaqsiga ah ee baasaboorka si loo xaqiijiyo sumcadda baasaboorka.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul wasaare Xamse oo ka hadlay kulanka ayaa wasiiradda iyo mas\u2019uuliyiinta sarsare ee dowladda ku booriyay in ay ku safraan baasaboorka Soomaaliga si loo illaaliyo xurmadda iyo sharafta mas\u2019uulka dowladeed leeyahay.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.99422-6\/762867869_1805587877266835_905540596892613453_n.png?stp=dst-jpg_tt6&amp;cstp=mx2048x1365&amp;ctp=s2048x1365&amp;_nc_cat=103&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=127cfc&amp;_nc_ohc=Lh1XNQLKP6oQ7kNvwFDg4Mx&amp;_nc_oc=Adpfau3sdnhpnQ4f3Vnd8KREgHpU497w3KGI9AZhLaFy3Z3EJ96GLEQ8NJDntTBk88Q&amp;_nc_zt=14&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;_nc_gid=EY69BE2A4K8x78gOBnoFeA&amp;_nc_ss=7b2a8&amp;oh=00_AQHl-n8N2RussJ8-GOreB0qc3UX6PIF8qZ1QI9MeNWZXrg&amp;oe=6A7A0E60\" alt=\"May be an image of newsroom and dais\" width=\"1358\" height=\"905\" \/><\/p>\n<p>Mudane Xamse ayaa si gaar ah u boggaadiyay Ra\u2019iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka, Jibriil Cabdirishiid Xaaji oo toddobaadkan celiyay Baasaboorka iyo dhalashadii uu ka heystay dalka Kenya.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda. War-saxaafaded ka soo baxay kulanka ayaa lagu dhageystay warbixinta Wasaaradda Amniga Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay inuu meel wanaagsan marayo qorshaha dib u habeynta iyo casriyeynta Baasaboorka Soomaaliga. Sidoo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":112403,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112402"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112402"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112402\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112404,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112402\/revisions\/112404"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/112403"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112402"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112402"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112402"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}