{"id":112345,"date":"2026-08-05T07:10:51","date_gmt":"2026-08-05T06:10:51","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112345"},"modified":"2026-08-05T07:16:13","modified_gmt":"2026-08-05T06:16:13","slug":"daraawiishta-puntland-psf-oo-ku-dagaalamaya-gaalkacyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/daraawiishta-puntland-psf-oo-ku-dagaalamaya-gaalkacyo\/","title":{"rendered":"Daraawiishta Puntland &#038; PSF oo ku dagaalamaya Gaalkacyo"},"content":{"rendered":"<p>Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Puntland iyo Kuwa PSF ee Federaalka hoostaga ayaa ka socda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana warar hordhac ah laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.<\/p>\n<p>Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay madaafiicda iyo rasaasta ay is dhaafsanayaan labada ciidan, waxaana barakacay qoysaskii ku sugnaa inta badan Bariga Magaalada Gaalkacyo sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo deegaanka ah.<\/p>\n<p>Dagaalka kahor waxaa taagnayd saansaan colaad &amp; dhaqdhaqaaq iska soo horjeeda oo ay kala sameeyeen labada Ciidan, waxaana saacadihii lasoo dhaafay barakacay qoysas qaarkood casri ka muujiyay saansaantaas colaadeed.<\/p>\n<p>Maamulka Puntland ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay hurinayso colaadda Bariga Gobolka Mudug, waxa uu maamulkaas sheegay in aanay suuragal noqon doonin in ciidamadaasi u gudbaan gudaha Magaaladaas.<\/p>\n<p>La soco wixii kasoo kordha<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Puntland iyo Kuwa PSF ee Federaalka hoostaga ayaa ka socda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana warar hordhac ah laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaalkaas. Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay madaafiicda iyo rasaasta ay is dhaafsanayaan labada ciidan, waxaana barakacay qoysaskii ku sugnaa inta badan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":112348,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,77],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112345"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112345"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112345\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112347,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112345\/revisions\/112347"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/112348"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112345"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112345"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112345"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}