{"id":112311,"date":"2026-08-04T07:05:57","date_gmt":"2026-08-04T06:05:57","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112311"},"modified":"2026-08-04T07:05:57","modified_gmt":"2026-08-04T06:05:57","slug":"rw-xamsa-oo-bogaadiyay-isbaddelka-uu-sameeyay-maamulka-waqooyi-bari","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/rw-xamsa-oo-bogaadiyay-isbaddelka-uu-sameeyay-maamulka-waqooyi-bari\/","title":{"rendered":"RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis &amp; siyaasadad ee maamulka Waqooyi Bari qaaday Muddada Sannadka ah uu dhisan yahay Maamulkaas.<\/p>\n<p>Xamsa Cabdi Barre ayaa Shacabka iyo Mas\u2019uuliyiinta Maamulka Waqooyi Bari ugu baaqay in ay ilaalsadaan nabadgalyadaas iyo xasiloonida siyaasadeed ay haystaan, waxaana uu xusay in Dowladda Federaalka ay garab taagan tahay maamulkaas.<\/p>\n<p>Dhanka kale, waxa uu fariin xambaarsan wadahadal iyo nabadgalyo uu u diray Siyaasiyiinta Waqooyi Galbeed, waxaana uu usoo jeediyay in ay dib ugu soo laabtaan miiska wadahadalka si tabashada ay sheeganayaan xal looga gaaro.<\/p>\n<p>Xamsa ayaa tilmaamay in albaabka keliya ee furan uu yahay in horay looga socdo oo la is cafiyo wixii dhacay halkii dib loo milicsan lahaa dhacdooyinkaas tagay oo aan dhabbaha xalka rasmiga ah lagu gaari Karin sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p>Waxa uu nasiib darro ku sheegay in Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ay ku geeddi furatay meel qaldan sida in ay Israa\u2019iil ku faraq-xiratay maadaama Maamulka Netanyahu uu gaystay dambiyo kala duwan oo ka dhan ah Aadanaha, isaga oo usoo jeediyay in dib uga soo laabtaan.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cGeeddii Somaliland ay rartay meel qaldan ayay ku furtay, Dhammaan Dadka Soomaaliyeed, Umadaha islaamka, Shucuubta rumaysan bani aadamnimada eel eh damiirka nool ayaa arrintaas idinku diidan oo kasoo horjeedda, Khaladkaas idinka dhacay waxaa kasii daran in aad kusii adkaysataan oo aydan kasoo laaban\u201d<\/em><\/strong> Sidaasi waxaa yiri RW Xamsa Cabdi Barre.<\/p>\n<p>Waxa uu meesha ka saaray in uu jiro kala qaybsanaan Shacabka Soomaaliyeed ah meel weliba oo ay joogaan, waxaana uu xusay in keliya Dadka siyaasiyiinta ah ee Waqooyi Galbeed ay dadku ka dhex abuuraan waxyaabo kala gaynaya.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis &amp; siyaasadad ee maamulka Waqooyi Bari qaaday Muddada Sannadka ah uu dhisan yahay Maamulkaas. Xamsa Cabdi Barre ayaa Shacabka iyo Mas\u2019uuliyiinta Maamulka Waqooyi Bari ugu baaqay in ay ilaalsadaan nabadgalyadaas iyo xasiloonida siyaasadeed ay haystaan, waxaana uu xusay in Dowladda&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":112312,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,76,257],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112311"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112311"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112311\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112313,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112311\/revisions\/112313"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/112312"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112311"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112311"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112311"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}