{"id":112256,"date":"2026-08-01T17:12:31","date_gmt":"2026-08-01T16:12:31","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112256"},"modified":"2026-08-01T17:14:39","modified_gmt":"2026-08-01T16:14:39","slug":"xisbiga-awoodda-shacabka-oo-isaga-baxay-midowga-haybad-qaran","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/xisbiga-awoodda-shacabka-oo-isaga-baxay-midowga-haybad-qaran\/","title":{"rendered":"Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran"},"content":{"rendered":"<p>Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga Midowga Haybad Qaran, ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu isaga baxay xubinnimadii isbahaysigaas iyo gabi ahaanba wada-shaqayntii Golaha Mustaqbalka.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xisbiga Awoodda Shacabka oo uu hoggaamiyo Guddoomiye Thabit Abdi Maxamed, ayaa lagu faahfaahiyay sababaha keenay go\u2019aankan xilli xasaasi ah oo uu dalku marayo.<\/p>\n<p>Xisbiga ayaa tilmaamay in sababta ugu weyn ee uu u qaatay go&#8217;aankan ay tahay warqad ka soo baxday Golaha Mustaqbalka oo ku taariikhaysnayd 28-kii July 2026.<\/p>\n<p>Warqaddaas ayaa lagu soo jeediyay in la sameeyo &#8216;Gole Ku-meel-gaar ah&#8217; oo la wareega talada dalka.<\/p>\n<p>Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa ku tilmaamay soo-jeedintaas mid ka dhigan mas&#8217;uuliyad darro iyo isku day dib loogu celinayo dowladnimada Soomaaliya 15 sanno oo dib u dhac ah.<\/p>\n<p>Xisbiga ayaa caddeeyay inay mar walba aaminsan yihiin in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo hannaan nabadeed iyo wada-tashi Soomaaliyeed, balse aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo wiiqaysa dowladnimada rasmiga ah ee dalka.<\/p>\n<p><strong>Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Xisbiga Awoodda Shacabka<\/strong><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/761105923_122286064772149459_1418476448847627013_n.jpg?stp=dst-jpg_tt6&amp;cstp=mx1020x1440&amp;ctp=s1020x1440&amp;_nc_cat=104&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=127cfc&amp;_nc_ohc=jNZBjtOVKgUQ7kNvwG8MgOU&amp;_nc_oc=Adod6tCeoEn2QFV0TTuUIp_EpZiQ7EyMMKuy6p_ssJrsJ192-2yPXUjQ5piEM2-8xyU&amp;_nc_zt=23&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;_nc_gid=HNIxy8u6UG1AeKG3LWKuQw&amp;_nc_ss=7b2a8&amp;oh=00_AQHqTF28bTUGpck10NxkSfOcRWOR2breLl8ti4-IAvw-ag&amp;oe=6A73F454\" alt=\"May be an image of text\" \/><\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga Midowga Haybad Qaran, ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu isaga baxay xubinnimadii isbahaysigaas iyo gabi ahaanba wada-shaqayntii Golaha Mustaqbalka. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xisbiga Awoodda Shacabka oo uu hoggaamiyo Guddoomiye Thabit Abdi Maxamed, ayaa lagu faahfaahiyay sababaha keenay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":112258,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,1],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112256"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112256"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112256\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112260,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112256\/revisions\/112260"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/112258"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112256"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112256"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112256"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}