{"id":112248,"date":"2026-08-01T11:51:21","date_gmt":"2026-08-01T10:51:21","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112248"},"modified":"2026-08-01T11:51:21","modified_gmt":"2026-08-01T10:51:21","slug":"nuxurka-khudbadda-mw-xasan-sheekh-ee-furitaanka-kalfadhiga-8aad-ee-baarlamaanka-jfs","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/nuxurka-khudbadda-mw-xasan-sheekh-ee-furitaanka-kalfadhiga-8aad-ee-baarlamaanka-jfs\/","title":{"rendered":"Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka jeediyay khudbad uu uga hadlay Arrimo dhowr ah sida Dastuurka, Doorashooyinka, Amniga iyo kuwo kale.<\/p>\n<p><strong>Dastuurka<\/strong>:<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay tallaabadii uu Baarlamaanka ku ansixiyay Dastuurka cusub ee Dalka oo uu sheegay in uu hormuud u noqday Doorashada Dadweyne oo qaybo kamid ah Dalka ka dhacday.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cMarka Baarlamaanka uu shaqaynayo sharciga ayaa shaqayno, marka uu sharcigu shaqaynayo waxaa badbaadayo Shacabka Soomaaliyeed, Bartii yaqaan bar uma kororto\u201d<\/em><\/strong> ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud<\/p>\n<p>Waa uu sii hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu yiri <strong><em>\u201cIn ka badan 10 sano Dastuurkii lagu dhiirran waayay ayuu Baarlamaanku ku dhiirraday uuna horseeday in uu Dalka yeesho Dastuur cusub\u201d<\/em><\/strong>.<\/p>\n<p>Isbarbar-dhig ayuu ku sameeyay afar sano kahor iyo maanta isaga oo xusay in natiijada kasoo baxaysa ay muujinaysa isbaddelka cusub ee Soomaaliya samaysay iyada oo isku tashatay oo hay\u2019adaheeda sharciga si rasmi ah u guteen waajibkooda.<\/p>\n<p><strong><em>\u201c4tii sano lasoo dhaafay marka aan dib u milicsano waxaa muuqata in uu Dalku qaaday tallaabooyin waa weyn oo qarankeenna dib usoo celisay\u201d<\/em><\/strong> Ayuu yiri MW JFS, Dr Xasan Sheekh Maxamuud<\/p>\n<p><strong>Amniga &amp; La dagaalanka \u2018AS\u2019<\/strong><\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in isbaddelka Amniga uu horseeday isbaddel dhinaca Bilicda Caasimadda ah, waxa uu is dhinac dhigay labadii sanno lasoo dhaafay horumarka ay Muqdisho samaysay iyo kahor labadaas sanno.<\/p>\n<p>La dagaalanaka \u2018AS\u2019 ayuu sheegay in ay Xoogga Saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu bogaadiyay Ciidamada Qalabka sida isaga oo xusay<\/p>\n<p><strong><em>\u201cCiidamada Qalabka sida sidii shalay ayay ka tiro iyo tayo badan yihiin, Maanta Soomaaliya ma ahan Dal keliya gargaar waydiista balse waa waddan codkiisa la dhagaysto\u201d<\/em><\/strong>. ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p><strong>Arrimaha Dibadda<\/strong>:<\/p>\n<p>Waxa uu soo hadal qaaday kursiga Soomaaliya ee Golaha Ammaanka iyo saamaynta siyaasadeed uu ku yeelay dalal badan oo codka Soomaaliya doonaya, waxa uu dhinaca kale Israa\u2019iil uga digay in ay faragelinteeda Dalka.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cAmnigeenna meeshii lagu go\u2019aaminayay waxa aan rabnaa in aan meel kale looga hadlin, waxaana ka shaqayneynaa xoog iyo xeelad in aan kahortagno in Israa\u2019iil degto Dhulkeenna\u201d<\/em><\/strong> Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Digniin ayuu u diray Israa\u2019iil, waxaana uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaaggaan Dowladdooda si looga hortago faragelinta shisheeye iyo dhibaatooyinka Yuhuudda ay doonayso in ay usoo rarto Geeska Afrika.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cXoog, Xeelad &amp; Diblumaasiyad waxa aan uga shaqayneynaa in aanay Israa\u2019iil deggen Dhulkeenna\u201d<\/em><\/strong> Waxaa sidaasi yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gunaanadkii khudbaddiisa waxa uu Shacabka iyo Baarlamaanka Federaalka ugu baaqay in ay garab istaagaan Doorashooyinka Dalka oo qayb kamid ah qabsoontay si looga gudbo Doorashooyinkii dadbanaa ee dalka wax lagu dooran jiray.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka jeediyay khudbad uu uga hadlay Arrimo dhowr ah sida Dastuurka, Doorashooyinka, Amniga iyo kuwo kale. Dastuurka: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay tallaabadii uu Baarlamaanka ku ansixiyay Dastuurka cusub ee Dalka oo uu sheegay in uu hormuud u noqday Doorashada&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":112249,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112248"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112248"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112248\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112250,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112248\/revisions\/112250"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/112249"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112248"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112248"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112248"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}