{"id":112178,"date":"2026-07-29T15:45:45","date_gmt":"2026-07-29T14:45:45","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112178"},"modified":"2026-07-29T15:45:45","modified_gmt":"2026-07-29T14:45:45","slug":"bandow-lagu-soo-rogay-magaalooyinka-galmudug-xilli-loo-diyaar-garoobayo-doorashada-qof-iyo-cod","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/bandow-lagu-soo-rogay-magaalooyinka-galmudug-xilli-loo-diyaar-garoobayo-doorashada-qof-iyo-cod\/","title":{"rendered":"Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod"},"content":{"rendered":"<p>Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka waaweyn ee deegaannada maamulkaasi, laga bilaabo caawa oo khamiis ah ilaa habeen dambe.<\/p>\n<p>Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada Galmudug, xilli maamulku uu u diyaar-garoobayo qabashada doorashada Qof iyo Cod ah, taas oo la filayo inay dhowaan ka qabsoonto deegaannadaas.<\/p>\n<p>Taliyaha Qeybta Booliiska ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Gaashaanle Sare, Khaliif Cabdulle Maalin oo warbaahinta la hadlay, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in bandowgu uu bilaabanayo caawa wixii ka dambeeya, isagoo ku amray shacabka inay u hoggaansamaan awaamiirta amniga si looga hortago wax kasta oo khalkhal gelin kara habsami u socodka doorashada.<\/p>\n<p>Taliyaha ayaa caddeeyay in dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha la xaddiday, balse ay jiraan cidda laga reebay bandowgaas, kuwaas oo kala ah: Gaadiidka Laamaha Amniga, Gaadiidka Guddiga Doorashooyinka, hawl-wadeennada \u00a0doorashada iyo Warbaahinta.<\/p>\n<p><strong>&#8220;Ujeedka bandowgu ma ahan in la dhibo shacabka, balse waa in la sugo nabadgelyadooda iyo tan doorashada taariikhiga ah ee nagu soo fool leh. Waxaanka codsanaynaa muwaadiniinta inay nala shaqeeyaan ciidanka ammaanka,&#8221;<\/strong> ayuu yiri Taliyaha Booliiska.<\/p>\n<p>Ciidamada amniga ayaa la arkayay iyagoo lagu daadinayo waddooyinka muhiimka ah ee magaalooyinka sida Dhusamareeb, Gaalkacyo iyo Cadaado, si ay u xaqiijiyaan dhaqan-galka amarka ka soo baxay taliska booliiska.<\/p>\n<p>Doorashadan Qof iyo Cod ah ee ka dhacaysa Galmudug ayaa waxaa lagu dooranayaa Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka ee Maamulkaasi.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka waaweyn ee deegaannada maamulkaasi, laga bilaabo caawa oo khamiis ah ilaa habeen dambe. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada Galmudug, xilli maamulku uu u diyaar-garoobayo qabashada doorashada Qof iyo Cod ah, taas oo la&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":112179,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112178"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112178"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112178\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112180,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112178\/revisions\/112180"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/112179"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112178"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112178"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112178"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}