{"id":112056,"date":"2026-07-26T06:05:28","date_gmt":"2026-07-26T05:05:28","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112056"},"modified":"2026-07-26T06:05:28","modified_gmt":"2026-07-26T05:05:28","slug":"iiraan-oo-ukraine-ugu-hanjabtay-inay-jawaab-ka-siin-doonto-markabka-ay-ku-beegsatay-badda-caspian","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/iiraan-oo-ukraine-ugu-hanjabtay-inay-jawaab-ka-siin-doonto-markabka-ay-ku-beegsatay-badda-caspian\/","title":{"rendered":"Iiraan oo Ukraine ugu hanjabtay inay jawaab ka siin doonto Markabka ay ku beegsatay Badda Caspian"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Iiraan ayaa si caro leh uga hadashay weerarkii Ukraine ay ku beegsatay mid kamid ah Maraakiibteeda oo Marayay Badda Caspian halkaas oo uu ku dhintay bad-maaxe u dhashay Dalkaas halka mid kale uu ku dhaawacmay.<\/p>\n<p>Iiraan ayaa sheegtay in ay warqad cabasho ah ay u gudbisay Ukraine iyada oo u yeertay Diblumaasiga ugu sarreeya Safaaradda Dalkaas ee Tehran, waxaana ay falkaas ku tilmaamtay dambi la gaystay oo aan la isaga hari doonin.<\/p>\n<p>Tehran ayaa beenisay sheegashada Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ee la xiriirta in ay beegsadeen Markab Militari oo Ruushka u adeegaday kaas oo marayay Marin-Biyeedka Caspian oo Moscow muhiimka ugu ah isu gudubka Dalal dhowr ah.<\/p>\n<p>Badda Caspian waxa ay u dhaxaysaa Shan Dal oo kala ah Ruushka, Kazakhstan, Turkmenistan, Iran iyo Azerbaijan, Ukraine ayaa marinkaan u aragta mid haddii ay ku guullaysato ku ugaarsiga Maraakiibta xayiraad cusub oo Ruushka ay kusoo rogi karto.<\/p>\n<p>Waxaa la sugayaa jawaabta Ukraine ay ka bixiso Cabashada uga timid dhinaca Iiraan, sidoo kale waxaa indhaha lagu hayaa nooca falcelin ee Tehran ay bixin doonto haddii ay ku qanci wayso jawaabaha Kyiv ama dhegaha ka furayso inay ka falceliso su\u2019aasha hortaalla.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Iiraan ayaa si caro leh uga hadashay weerarkii Ukraine ay ku beegsatay mid kamid ah Maraakiibteeda oo Marayay Badda Caspian halkaas oo uu ku dhintay bad-maaxe u dhashay Dalkaas halka mid kale uu ku dhaawacmay. Iiraan ayaa sheegtay in ay warqad cabasho ah ay u gudbisay Ukraine iyada oo u yeertay Diblumaasiga ugu sarreeya&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":33509,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112056"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112056"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112056\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112057,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112056\/revisions\/112057"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/33509"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112056"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112056"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112056"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}