{"id":112037,"date":"2026-07-25T07:51:53","date_gmt":"2026-07-25T06:51:53","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=112037"},"modified":"2026-07-25T07:51:53","modified_gmt":"2026-07-25T06:51:53","slug":"as-oo-weerar-ka-gaysatay-ismaamulka-mandheera","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/as-oo-weerar-ka-gaysatay-ismaamulka-mandheera\/","title":{"rendered":"\u2018AS\u2019 oo weerar ka gaysatay Ismaamulka Mandheera"},"content":{"rendered":"<p>Xubno lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin \u2018AS\u2019 ayaa weerar si siman u dhacay ka gaystay Magaalooyinka Arabia iyo Fino ee Ismaamulka Mandheera, waxaana ka dhashay dhaawaca hal qof oo la sheegay in uu ahaa Carruur naas-nuug ah.<\/p>\n<p>Saraakiisha hay\u2019adaha ammaanka ee Mandheera ayaa sheegay in ciidamadu ay jawaab ka bixiyeen weerarkaas isla markaana ay raad-raaceen xubnihii weerarka fuliyay oo ay ku tuhunsan yihiin inay katirsan yihiin \u2018AS\u2019<\/p>\n<p>Xubnaha weerarka fuliyay ayaa lagu sheegay in ay gaarayeen 10 ruux, waxaa socda howlgallo lagu raadinayo si loosoo qabto maadaama aanay suuragal noqon Karin inay ka tallaabaan xadka halkaas oo la dhigay ciidamo badan oo feejigan.<\/p>\n<p>Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu dhacay iyada oo gabbalka uu sii dhacayay dadkana intooda badan ay isu diyaarinayeen Salaadda Maqrib, waxaana dadka lagu wargeliyay in ay soo gudbiyaan xogta dadkaas weerarka fuliyay.<\/p>\n<p>Kenya ayaa todobaadkii hore waxa ay ciidamo dheeraad ah soo dhigtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, ujeedka waa in ay kahor tagaan kala gudubka \u2018AS\u2019 ee Deegaannada soohdinta dhaca maadaama ay dhowr jeer weerarro halkaasi ka dhaceen.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xubno lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin \u2018AS\u2019 ayaa weerar si siman u dhacay ka gaystay Magaalooyinka Arabia iyo Fino ee Ismaamulka Mandheera, waxaana ka dhashay dhaawaca hal qof oo la sheegay in uu ahaa Carruur naas-nuug ah. Saraakiisha hay\u2019adaha ammaanka ee Mandheera ayaa sheegay in ciidamadu ay jawaab ka bixiyeen weerarkaas isla markaana ay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":12336,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112037"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=112037"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112037\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":112038,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/112037\/revisions\/112038"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/12336"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=112037"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=112037"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=112037"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}