{"id":111989,"date":"2026-07-22T16:37:00","date_gmt":"2026-07-22T15:37:00","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=111989"},"modified":"2026-07-23T05:39:26","modified_gmt":"2026-07-23T04:39:26","slug":"dowladda-soomaaliya-oo-ardayda-dugsiyada-quraanka-kariimka-siineysa-shahaado-dowladeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dowladda-soomaaliya-oo-ardayda-dugsiyada-quraanka-kariimka-siineysa-shahaado-dowladeed\/","title":{"rendered":"Dowladda Soomaaliya oo Ardayda Dugsiyada Qur\u2019aanka Kariimka siineysa Shahaado Dowladeed."},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay taariikhda shaacisay in Shahaado dowladeed heli doonaan Ardayda ka qalin jabisa Dugsiyada Qur\u2019aanka Kariimka, si lamid ah Waxbarashada maadiga ah.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed uu soo saarey Xafiiska Ra\u2019iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Dowladda Federaalka wado qorshe guud oo dib u habeyn loogu sameynayo goobaha lagu barto culuumta diiniga ah oo ay ugu horreyaan Dugsiyada Qur\u2019aanka.<\/p>\n<p>Sida ku cad dib-u-habayntan cusub, ardayda ka qalin-jabisa Dugsiyada Quraanka waxay markii ugu horreysay taariikhda heli doonaan shahaadooyin rasmi ah iyo aqoonsi dowladeed, iyadoo la raacayo manhaj ay dajineyso Wasaaradda Waxbarashada Xukumadda Federaala Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukumadda hubin doonto diiwaan galinta Dugsiyada Qur\u2019aanka, Macaahida iyo Howlwadeennada ka howlgala sida Macalimiinta.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in tillaabadaan looga goleeyahay in Ardayda barta culuumta diiniga ay yeeshaan xuquuq lamid ah ardayda kale, isla markaasna la kor joogteyn doono Waxbarashadooda.<\/p>\n<p>Tillaabada ay qaadeyso Dowladda Federaalka ayaa ku soo aadeysa xilli hore dayac uga muuqday goobaha ay ku yaalla Dugsiyada Qur\u2019aanka Kariimka iyo xarruumaha kale ee lagu barto culuumta diiniga.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay taariikhda shaacisay in Shahaado dowladeed heli doonaan Ardayda ka qalin jabisa Dugsiyada Qur\u2019aanka Kariimka, si lamid ah Waxbarashada maadiga ah. War-saxaafadeed uu soo saarey Xafiiska Ra\u2019iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Dowladda Federaalka wado qorshe guud oo dib u habeyn loogu sameynayo goobaha lagu barto culuumta diiniga ah&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":46579,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111989"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=111989"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111989\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":111990,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111989\/revisions\/111990"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/46579"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=111989"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=111989"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=111989"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}