{"id":111986,"date":"2026-07-22T15:03:33","date_gmt":"2026-07-22T14:03:33","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=111986"},"modified":"2026-07-22T15:03:33","modified_gmt":"2026-07-22T14:03:33","slug":"soomaaliya-oo-cambaareysay-hanjabaadaha-xuutiyiinta-ee-ka-dhanka-ah-sacuudiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/soomaaliya-oo-cambaareysay-hanjabaadaha-xuutiyiinta-ee-ka-dhanka-ah-sacuudiga\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo Cambaareysay Hanjabaadaha Xuutiyiinta ee ka dhanka ah Sacuudiga"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay hanjabaadaha ay kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen u jeediyeen Boqortooyada Sacuudi Carabiya, aiyadoo ku tilmaamtay falalkaas kuwo halis ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed rasmi ah oo maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka Luulyo, 2026, ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhow u la socoto xaaladda, ayna aad uga walaacsan tahay hanjabaadaha ka soo yeeray kooxdaas.<\/p>\n<p>Wasaaraddu waxay hoosta ka xariiqday in ficillada Xuutiyiinta ay si toos ah u waxyeelleynayaan amniga marin-biyoodyada muhiimka ah, xorriyadda isku socodka maraakiibta, iyo badqabka ganacsiga caalamiga ah ee maraya Badda Cas.<\/p>\n<p><strong>Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka<\/strong><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq3-1.fna.fbcdn.net\/v\/t39.99422-6\/751591829_1037599031976770_260604624375793850_n.png?stp=dst-jpg_tt6&amp;cstp=mx1322x2003&amp;ctp=s1322x2003&amp;_nc_cat=100&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=833d8c&amp;_nc_ohc=lsItRpN5qBAQ7kNvwHqFqHt&amp;_nc_oc=Adofzklrfw8DA6V_DdiI8PiRN5o8PY1d7vGpKx0WEKes011R2DZBUBf0Uq5yEMA1Oh8&amp;_nc_zt=14&amp;_nc_ht=scontent.fmgq3-1.fna&amp;_nc_gid=EAtIQgQ9oCSdaRpPeBq6mQ&amp;_nc_ss=7b2a8&amp;oh=00_AQDOBdC3-Uqwf3YByNqDAzXgSqXXluYb2S6UtKwD56om_g&amp;oe=6A66970A\" alt=\"May be an image of text\" width=\"1257\" height=\"1905\" \/><\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay hanjabaadaha ay kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen u jeediyeen Boqortooyada Sacuudi Carabiya, aiyadoo ku tilmaamtay falalkaas kuwo halis ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka. War-saxaafadeed rasmi ah oo maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka Luulyo, 2026, ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":111987,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111986"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=111986"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111986\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":111988,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111986\/revisions\/111988"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/111987"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=111986"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=111986"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=111986"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}