{"id":11195,"date":"2018-11-13T18:10:28","date_gmt":"2018-11-13T18:10:28","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=11195"},"modified":"2018-11-13T18:10:28","modified_gmt":"2018-11-13T18:10:28","slug":"gaadiid-xamuul-ah-oo-ku-xannibay-gobolka-shabeelaha-hoose","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/gaadiid-xamuul-ah-oo-ku-xannibay-gobolka-shabeelaha-hoose\/","title":{"rendered":"Gaadiid Xamuul ah oo ku xannibay Gobolka Shabeelaha Hoose."},"content":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay sheegayaan in Gaadiid Xamuul ah oo u socda Gobolo dhaca Koofur Galbeed iyo Jubbaland ay ku xanniban yihiin inta u dhaxeysa Afgooye iyo Carbiska.<\/p>\n<p>Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo lahadlay Mustaqbal ayaa sheegay in gaadiidkaas ay u xanniban yihiin Ciidamada Dowladda iyo kooxo kale oo ku labisan Dariiska Ciidamada Dowladda.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in uu ay la hadleen Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka ka howlgalka balse ay u sheegeen in ay ka weyn tahay howshaan, maadaama ay ka cabanayaan mushaar la&#8217;aan sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p>Gudoomiye Cabdifitaax ayaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Ciidamada ka dalbaday in si deg deg ah ay u farageliyaan dhibaatadaan heysata Gaadiidleyda Xanniban.<\/p>\n<p>Waxa uu intaa ku daray lacago dheeraad ah lagu soo rogay, gaadiidleydana aan awoodin, sidaa awgeed gaadiidkooda uu ka hakaday safarkoodii, xili lagu guda jira Waqti Roobaad.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa bishii May sanadkii 2017-dii xilli uu tagay Degmada Afgooye amar ku bixiyay in gacan adag lagu qabto Ciidamada lagu eedeeyo dhigashada jidgooyooyinka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay sheegayaan in Gaadiid Xamuul ah oo u socda Gobolo dhaca Koofur Galbeed iyo Jubbaland ay ku xanniban yihiin inta u dhaxeysa Afgooye iyo Carbiska. Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo lahadlay Mustaqbal ayaa sheegay in gaadiidkaas ay u xanniban yihiin Ciidamada Dowladda iyo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":11196,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,79,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11195"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11195"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11195\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/11196"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11195"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11195"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11195"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}