{"id":111823,"date":"2026-07-16T15:53:38","date_gmt":"2026-07-16T14:53:38","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=111823"},"modified":"2026-07-16T15:53:38","modified_gmt":"2026-07-16T14:53:38","slug":"dowladda-soomaaliya-oo-ka-tacsiyeysay-geerida-wasiirkii-gaashaandhiga-dalka-jabuuti","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dowladda-soomaaliya-oo-ka-tacsiyeysay-geerida-wasiirkii-gaashaandhiga-dalka-jabuuti\/","title":{"rendered":"Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay geerida Wasiirkii Gaashaandhiga dalka Jabuuti"},"content":{"rendered":"<p>War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya tacsi loogu diray Madaxweynaha Jabuuti,\u00a0 Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda, iyo shacabka\u00a0 Jabuuti, ka dib geeridii ku timid Wasiirkii Difaaca ee dalkaas, Xasan Cumar.<\/p>\n<p>Wasiir Fiqi ayaa ku sifeeyay marxuumka mas\u2019uul qaran oo naftiisa u huray u adeegidda dalkiisa iyo horumarinta amniga gobolka, isagoo xusay inuu ahaa saaxiib dhow oo mar walba garab taagnaa dowlad dhiska Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>&#8220;Marxuum Xasan Cumar wuxuu ahaa hoggaamiye dhab ah iyo mas\u2019uul qaran oo muddo dheer si hagar la\u2019aan ah ugu adeegay dalkiisa Jabuuti. Waxaan si gaar ah u xusuusannahay doorarkii muuqday ee uu ka qaatay xoojinta hay\u2019adaha difaaca iyo taageerada joogtada ah ee uu la garab taagnaa dadaallada nabad ku soo dabaalida dalkayaga Soomaaliya.&#8221;<\/strong> ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sidoo kale tacsi gaar ah u diray qoyska iyo eheladii uu ka baxay marxuumka, Ciidamada Qalabka Sida ee Jabuuti, iyo gaar ahaan guutada ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta ee AUSSOM.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay xusuusnaan doonto dhaxalka iyo waxqabadka uu marxuumku kaga tagay xiriirka walaaltinimo iyo midka ciidan ee ka dhexeeya labada jamhuuriyadood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya tacsi loogu diray Madaxweynaha Jabuuti,\u00a0 Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda, iyo shacabka\u00a0 Jabuuti, ka dib geeridii ku timid Wasiirkii Difaaca ee dalkaas, Xasan Cumar. Wasiir Fiqi ayaa ku sifeeyay marxuumka mas\u2019uul qaran oo naftiisa u huray u adeegidda dalkiisa iyo horumarinta amniga gobolka, isagoo xusay inuu ahaa&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":111824,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111823"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=111823"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111823\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":111825,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111823\/revisions\/111825"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/111824"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=111823"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=111823"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=111823"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}