{"id":11178,"date":"2018-11-13T09:23:01","date_gmt":"2018-11-13T09:23:01","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=11178"},"modified":"2018-11-13T12:44:49","modified_gmt":"2018-11-13T12:44:49","slug":"xildhibaannada-galmudug-oo-ansixinaya-wasiirradii-uu-magacaabay-xaaf","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/xildhibaannada-galmudug-oo-ansixinaya-wasiirradii-uu-magacaabay-xaaf\/","title":{"rendered":"Xildhibaannada Galmudug oo ansixinaya Wasiirradii uu magacaabay Xaaf"},"content":{"rendered":"<p>Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleed Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta kulamo gaar gaar ay u socdaan xildhibaanada iyo madaxda sare ee maamulka.<\/p>\n<p>Xildhibaano ay Mustaqbal la hadashay ayaa u xaqiijiyey in maanta kulamo ay yeelanayaan xildhibaanada iyo masuuliyiinta ku sugan Dhuusamareeb sida Madaxweynaha maamulkaas Axmad Ducaale Geele Xaaf iyo madaxa xukumada Sheekh Maxamed Shaakir,kulamadaan ayaa gogol xaar u ah sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan Galmudug kulan lagu wado barri in lagu ansixiyo golaha wasiirada maamulkaasi oo dhawaan Xaaf magacaabay.<\/p>\n<p>Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf ayaa maalin ka hor Dhuusamareeb ka sheegay in maal maha soo socda ay is badalo muuqda samaynayaan in kastoo uusa cara baabin waxa ay qabanaayaan.<\/p>\n<p>Waxaana muuqata inaan wax xala laga gaarin xiisada siyaasadeed ee madaxda Galmudug ee kula sugan Dhuusamarreb iyo Cadaado,kulamadaan ayaa ku soo aadaya xili deegaanada qaar ay ka jiraan colaado u dhexeeya beelo walaalaa oo wada daga.<\/p>\n<p>Galmudug waxaa ku soo laalaabtay khifaafka u dhexeeya madaxda sare ee maamuulkaas oo sababtay inay labo magaalo xarumo ka kala dhigtaan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleed Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta kulamo gaar gaar ay u socdaan xildhibaanada iyo madaxda sare ee maamulka. Xildhibaano ay Mustaqbal la hadashay ayaa u xaqiijiyey in maanta kulamo ay yeelanayaan xildhibaanada iyo masuuliyiinta ku sugan Dhuusamareeb sida Madaxweynaha maamulkaas Axmad Ducaale Geele Xaaf&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6651,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[80,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11178"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11178"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11178\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/6651"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11178"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11178"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11178"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}