{"id":111694,"date":"2026-07-11T20:27:50","date_gmt":"2026-07-11T19:27:50","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=111694"},"modified":"2026-07-11T20:27:50","modified_gmt":"2026-07-11T19:27:50","slug":"maxay-tahay-dhacdada-caawa-laga-soo-wariyay-magaalada-beledwayne-ee-gobolka-hiiraan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxay-tahay-dhacdada-caawa-laga-soo-wariyay-magaalada-beledwayne-ee-gobolka-hiiraan\/","title":{"rendered":"Maxay tahay dhacdada caawa laga soo wariyay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan?"},"content":{"rendered":"<p class=\"ng-star-inserted\"><span class=\"ng-star-inserted\">Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa halkaasi afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xaafadda Nuurxawaad ee magaaladaasi.<\/span><\/p>\n<p class=\"ng-star-inserted\"><span class=\"ng-star-inserted\">Taliyaha Booliska degmada Beledweyne, Korneyl Cabdullaahi Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ragaan tiradooda aheyd afar ruux oo hubeysan, iyagoo rasaas ku furay\u00a0<\/span><span class=\"ng-star-inserted\">\u00a0askari halkaas ku sugnaa.<\/span><\/p>\n<p class=\"ng-star-inserted\"><span class=\"ng-star-inserted\">Taliyaha ayaa sheegay in askariga la weeraray uu muujiyay iska caabin, isagoo ku guuleystay inuu goobta lagu dilo mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday. <\/span><\/p>\n<p class=\"ng-star-inserted\"><span class=\"ng-star-inserted\">Sidoo kale, dadka deegaanka oo gurmad degdeg ah ka sameeyay xaafadda ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan xubin kale oo ka tirsanaa kooxda weerarka fulisay.<\/span><\/p>\n<p class=\"ng-star-inserted\"><span class=\"ng-star-inserted\">Korneyl Cabdullaahi Maxamuud ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada ammaanku ay hadda ka wadaan xaafadda iyo nawaaxigeeda hawlgal lagu baadi-goobayo laba xubnood oo kale oo la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen kooxda weerarka soo qaadday oo goobta ka baxsaday.<\/span><\/p>\n<p>Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p class=\"ng-star-inserted\">\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa halkaasi afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xaafadda Nuurxawaad ee magaaladaasi. Taliyaha Booliska degmada Beledweyne, Korneyl Cabdullaahi Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ragaan tiradooda aheyd afar ruux oo hubeysan, iyagoo rasaas ku furay\u00a0\u00a0askari halkaas&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":111695,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111694"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=111694"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111694\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":111696,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111694\/revisions\/111696"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/111695"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=111694"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=111694"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=111694"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}