{"id":111335,"date":"2026-06-29T09:57:44","date_gmt":"2026-06-29T08:57:44","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=111335"},"modified":"2026-06-29T09:57:44","modified_gmt":"2026-06-29T08:57:44","slug":"1300-oo-ruux-oo-qaaradda-yurub-ugu-geeriyootay-kul-xad-dhaaf-ah-oo-ka-jira","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/1300-oo-ruux-oo-qaaradda-yurub-ugu-geeriyootay-kul-xad-dhaaf-ah-oo-ka-jira\/","title":{"rendered":"1,300 oo ruux oo Qaaradda Yurub ugu geeriyootay kul xad-dhaaf ah oo ka jira"},"content":{"rendered":"<p>Dalal badan oo Qaaradda Yurub ah waxaa ka jira kul xad-dhaaf ah oo sababay dhimashada 1,300 sida ay ku warrantay Hay\u2019adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostagta loona soo gaabiyo WHO.<\/p>\n<p>Yurub ayaa wajahaysa Kul aad u darran, waxaana cabbirka lagu ogaado uu gaaray 41.7\u00b0C Digrii, tani waxa ay sababtay in Magaalooyinka qaar dadka isaga tagaan iyaga oo raadsanaya meelaha biyaha leh si ay qabow u raadinayaan.<\/p>\n<p>Jarmalka waxaa ka dhacday mid kamid ah Sheekooyinka Dadka soo jiitay ee arrinta kulka la xiriira ka dhashay waana Gawaarida Dab damiska ah oo biyo kor u daadinaya si dadka looga dhigo sida dhibicda Roobka oo kale si ay qabow u helaan.<\/p>\n<p>Meelaha ugu darran ee kulka xad-dhaafka ah uu ka jiro waxaa kamid ah Dalalka Jarmalka, Poland &amp; Jamhuuriyadda Crezch, waxa ay waddamadaas dhacaan Bartamaha iyo Bariga Qaaradda Yurub.<\/p>\n<p>Agaasimaha guud ee Hay\u2019adda Caafimaadka Adduunka WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in Hay\u2019addu ay xoogga saartay diiwaangelinta Dadka u dhinta Kulkaas laga soo billaabo 21kii June oo ah 8 cisho gudahood.<\/p>\n<p>Dadkaas dhintay ayaa da\u2019doodu badan tahay 65 sano waxaana daraasadda lagu qiimeeyay lagu sheegay in ay ku\u00a0 naf baxeen guryahooda taasi oo muujinaysa in kulka xad-dhaafka ah uu xitaa saameeyay qabowga aaladaha ku shaqeeya korontada.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dalal badan oo Qaaradda Yurub ah waxaa ka jira kul xad-dhaaf ah oo sababay dhimashada 1,300 sida ay ku warrantay Hay\u2019adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostagta loona soo gaabiyo WHO. Yurub ayaa wajahaysa Kul aad u darran, waxaana cabbirka lagu ogaado uu gaaray 41.7\u00b0C Digrii, tani waxa ay sababtay in Magaalooyinka qaar dadka isaga&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":111336,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111335"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=111335"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111335\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":111340,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111335\/revisions\/111340"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/111336"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=111335"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=111335"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=111335"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}