{"id":111306,"date":"2026-06-28T09:48:20","date_gmt":"2026-06-28T08:48:20","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=111306"},"modified":"2026-06-28T09:48:20","modified_gmt":"2026-06-28T08:48:20","slug":"xiriirka-kubadda-cagta-uruguay-oo-xulkooda-ka-joojiyay-in-uu-diyaarad-gaar-ah-u-diro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/xiriirka-kubadda-cagta-uruguay-oo-xulkooda-ka-joojiyay-in-uu-diyaarad-gaar-ah-u-diro\/","title":{"rendered":"Xiriirka Kubadda Cagta Uruguay oo Xulkooda ka joojiyay in uu Diyaarad gaar ah u diro"},"content":{"rendered":"<p>Xiriirka Kubadda Cagta ee <strong>Uruguay<\/strong> ee loosoo gaabiyo <strong>AUF<\/strong> ayaa qaaday tallaabo falcelin xooggan dhalisay kaddib markii xulka dalkaas oo kasoo haray Koobka Adduunka 2026 uu ka joojiyay in uu u diro Diyaarad gaar ah.<\/p>\n<p>Wargayska <strong>El Pa\u00eds<\/strong> iyo Teleefishinka <strong>Tenfield<\/strong> ayaa bannaanka soo dhigay sheekadaan oo markii hore si hoose bannaanka u timid, waxaana ay soo xigteen ilo ay qariyeen macluumaadkooda iyaga oo xoojiyay jiritaanka arrintaas.<\/p>\n<p>Ciyaartoyda oo ay wehliyaan macallinka, caawiyeyaashiisa, Dhaqaatiirta iyo howlwadeennada kale ee xulkaas la socda ayaa ku sabsan in ay diyaaradaha rayidka ah kala raacaan halkii ay dalkooda dib ugu laaban lahaayeen iyaga oo saaran diyaarad qura oo soo dhaweyn loo sameeyo.<\/p>\n<p>Qaar kamid ah ciyaartoyda ayaa tallaabadaasi ka carootay iyaga oo sheegay in aysan dib ugu laaban doonnin dalkooda oo meelo kale ay mari doonnaan maadaama ay ku dhacday \u2018Koob la\u2019aan iyo diyaarad la\u2019aan\u2019 sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n<p>Xulka Uruguay ayaa kulankoodii ugu dambeeyay ee heerka Guruubyada Koobka Adduunka 2026 ku dheelay dalka Mexico balse dib ugu laabashadooda Caasimadda Montevideo waxa ay ku dhalisay niyad jab xooggan mar haddii Diyaaradaha caadiga ah ay raacayaan.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xiriirka Kubadda Cagta ee Uruguay ee loosoo gaabiyo AUF ayaa qaaday tallaabo falcelin xooggan dhalisay kaddib markii xulka dalkaas oo kasoo haray Koobka Adduunka 2026 uu ka joojiyay in uu u diro Diyaarad gaar ah. Wargayska El Pa\u00eds iyo Teleefishinka Tenfield ayaa bannaanka soo dhigay sheekadaan oo markii hore si hoose bannaanka u timid, waxaana&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":111307,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111306"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=111306"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111306\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":111308,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/111306\/revisions\/111308"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/111307"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=111306"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=111306"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=111306"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}