{"id":11086,"date":"2018-11-12T07:37:43","date_gmt":"2018-11-12T07:37:43","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=11086"},"modified":"2018-11-12T07:37:43","modified_gmt":"2018-11-12T07:37:43","slug":"juventus-oo-ku-tumatay-ac-milan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/juventus-oo-ku-tumatay-ac-milan\/","title":{"rendered":"Juventus oo ku tumatay AC Milan."},"content":{"rendered":"<p>Kulankii ugu adkaa kulamadii todobaadkan ayaa xalay ka dhacay garoonka Milan ee Sansirio waxaana kuso boqatay hogaamiyaasha horyaalka ee Juventus.<\/p>\n<p>Kooxaha Milan iyo Juventus ayaa kulanka la wada sugayay ee horyaalka Serie A kaga bilaawday si cajiib ah, xili labada kooxood ay kulankan doonayeen in ay gaaraan guul muhiim ah.<\/p>\n<p>Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineesay kooxda martida ahayd ee Juventus.<\/p>\n<p>Daqiiqadii 8-aad ayaa waxaa ciyaarta 1-0 ka dhigay Mario Mandzukic, kadib markii uu caawinta goolkan uu ka helay saaxiibkiis difaaca garabka bidix ee reer Brazil Alex Sandro.<\/p>\n<p>Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay halkooda kasii wadeen weerar iyo weerar celis, Milan ayaana u muuqatay in ay si weyn u raadineesay goolka barbaraha ciyaarta.<\/p>\n<p>Gonzalo Higuain ayaa qeybta labaad ciyaarta ka qasaariyay kooxdiisa AC Milan gool ku laad ama rigoore, kadib markii uu garsooraha ciyaarta ku abaal mariyay rigoore.<\/p>\n<p>Laakiin waxay wax walba isbadaleen daqiiqadii 81-aad kadib markii uu Cristiano Ronaldo ciyaarta ka dhigay 2-0, waxaana caawinta goolkan lahaa Cancelo, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-0 ay ku hogaamineesay kooxda Juve.<\/p>\n<p>Daqiiqadii 84-aad weeraryahanka kooxda AC Milan Gonzalo Higuain ayaa loo taagay kaarka roosaha kadib qalad uu ku gulay difaaca kooxda Juventus ee Benatia.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 2-0 ay guusha ku raacday kooxda martida ahayd ee Juventus, taasoo sare u sii qaaday dhibcaheeda dhanka hogaanka, waxayna haatan 6 dhibcood nadiif ah ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Napoli.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kulankii ugu adkaa kulamadii todobaadkan ayaa xalay ka dhacay garoonka Milan ee Sansirio waxaana kuso boqatay hogaamiyaasha horyaalka ee Juventus. Kooxaha Milan iyo Juventus ayaa kulanka la wada sugayay ee horyaalka Serie A kaga bilaawday si cajiib ah, xili labada kooxood ay kulankan doonayeen in ay gaaraan guul muhiim ah. Qeybta hore ee ciyaarta ayaa&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":11088,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11086"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11086"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11086\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/11088"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11086"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11086"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11086"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}