{"id":110755,"date":"2026-06-08T08:02:41","date_gmt":"2026-06-08T07:02:41","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=110755"},"modified":"2026-06-08T08:02:41","modified_gmt":"2026-06-08T07:02:41","slug":"kiisaska-dadka-shubmaya-oo-kusii-kordhay-magaalada-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/kiisaska-dadka-shubmaya-oo-kusii-kordhay-magaalada-muqdisho\/","title":{"rendered":"Kiisaska Dadka Shubmaya oo kusii kordhay Magaalada Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Magaalada Muqdisho waxaa kusii kordhaya kiisaska Dadka shubmaya kuwaas oo isugu jira da\u2019 kala duwan, waxaa jira Dad kale oo qaarkood la gayn goobaha Caafimaadka sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo Caafimaad oo xogtaan la wadaagay.<\/p>\n<p>Dhaqaatiirta Caafimaadka ayaa baaris ku samaysay qaar kamid ah bukaannada la geeyay Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho maadaama kiisaskan ay yihiin kuwa sii kordhayay maalmihii lasoo dhaafay.<\/p>\n<p>Dr Sahra Isaaq oo ah dhaqtarad ku takhasustay xannuunka ku dhaca Carruurta ayaa barteeda xiriirka Bulshada soo dhigtay muuqaal ay ku sharaxayso sida loola talaacalayo haddii aad aragtid bukaan shubmaya kahor inta aan la gayn Goob Caafimaad.<\/p>\n<p>Dadka ugu badan ee Shubanka la ildaran waa Carruur kuwaas oo marka aad tagtid goobaha Caafimaadka aad ku arkaysid iyaga oo la siinayo Faleembo iyo dawooyinka kale ee loogu talagalay dadka fuuqbaxaya.<\/p>\n<p>Mid kamid ah dhaqaatiirta Goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho ayaa dhankiisa Mustaqbal Media u sheegay in kiisas badan ay ka qabteen dadka shubmaya oo intooda badan markii ay daryeel Caafimaad heleen kasoo bogsaday xannuunkaas.<\/p>\n<p>Ma jiro war kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayso xannuunkaan saameeyay Dadka badan maadaama ay mas\u2019uul ka tahay arrimaha Xannuunada iyo sida looga hortagi karo.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Muqdisho waxaa kusii kordhaya kiisaska Dadka shubmaya kuwaas oo isugu jira da\u2019 kala duwan, waxaa jira Dad kale oo qaarkood la gayn goobaha Caafimaadka sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo Caafimaad oo xogtaan la wadaagay. Dhaqaatiirta Caafimaadka ayaa baaris ku samaysay qaar kamid ah bukaannada la geeyay Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho maadaama kiisaskan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":102921,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/110755"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=110755"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/110755\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":110756,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/110755\/revisions\/110756"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/102921"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=110755"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=110755"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=110755"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}