{"id":110393,"date":"2026-05-25T07:24:27","date_gmt":"2026-05-25T06:24:27","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=110393"},"modified":"2026-05-25T07:24:27","modified_gmt":"2026-05-25T06:24:27","slug":"trump-oo-carabta-ku-cadaadinaya-socodsiinta-barnaamijka-lagu-garab-istaago-israaiil","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/trump-oo-carabta-ku-cadaadinaya-socodsiinta-barnaamijka-lagu-garab-istaago-israaiil\/","title":{"rendered":"Trump oo carabta ku cadaadinaya socodsiinta Barnaamijka lagu garab istaago Israa\u2019iil"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa la sheegay in uu Dalalka Carabta ku cadaadinayo sidii ay u dardargelin lahaayeen heshiiska Abraham Accords ee lagu naasnuujinayo Maamulka Israa\u2019iil oo aqoonsi ka haysan inta badan Caalamka.<\/p>\n<p>Go\u2019aankaan waxa uu dhashay kaddib markii Benjamin Netanyahu uu aad uga carooday jilicsanaanta siyaasadeed ee Donald Trump uu ku wajahayo Xaaladda Bariga Dhexe gaar ahaan heshiiska Iiraan maadaama uu kasoo dabcay go\u2019aamo badan oo uu ku adkaa.<\/p>\n<p>Si loo weeciyo guuldarrada siyaasadeed ee Donald Trump waxa uu maamulkiisa ku qasbanaaday in uu Dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka uu ka dhigto hubka cusub uu ku wajahayo Iiraan sida xogaha la helayo ay sheegayaan.<\/p>\n<p>Waxaa jira waddamo badan oo horay u aqbalay heshiiska Abraham Accords balse aan dhaqangelin, waxa uu Trump doonayaa in uu xoogga saaro Dalalkaas si ay u dadejiyaan safaarado ay ka furtaan Magaalada Qudus ee Israa\u2019iil ay xoogga ku haysato.<\/p>\n<p>La soco wixii kasoo kordha<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa la sheegay in uu Dalalka Carabta ku cadaadinayo sidii ay u dardargelin lahaayeen heshiiska Abraham Accords ee lagu naasnuujinayo Maamulka Israa\u2019iil oo aqoonsi ka haysan inta badan Caalamka. Go\u2019aankaan waxa uu dhashay kaddib markii Benjamin Netanyahu uu aad uga carooday jilicsanaanta siyaasadeed ee Donald Trump uu ku wajahayo Xaaladda Bariga&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":107772,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/110393"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=110393"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/110393\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":110394,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/110393\/revisions\/110394"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/107772"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=110393"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=110393"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=110393"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}