{"id":110345,"date":"2026-05-23T10:26:58","date_gmt":"2026-05-23T09:26:58","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=110345"},"modified":"2026-05-23T10:26:58","modified_gmt":"2026-05-23T09:26:58","slug":"guddoomiye-cabdikariin-bisha-soo-socota-waxaa-doorashada-ka-qabanaynaa-gaalkacyo-ceel-carfiid-laascaanood-ilaa-gedo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/guddoomiye-cabdikariin-bisha-soo-socota-waxaa-doorashada-ka-qabanaynaa-gaalkacyo-ceel-carfiid-laascaanood-ilaa-gedo\/","title":{"rendered":"Guddoomiye Cabdikariin: Bisha soo socota waxaa Doorashada ka qabanaynaa Gaalkacyo, Ceel Carfiid, Laascaanood ilaa Gedo"},"content":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in bisha soo socota uu guddigoodu doorashooyin ka qaban doonno Dowlad-Goboleedyada Galmudug, HirShabeelle, Waqooyi Bari &amp; Gobolka Gedo oo katirsan Jubbaland.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in howl adag loosoo maray sidii loo hirgelin lahaa Doorashooyinkaan dadweyne si Shacabka Soomaaliyeed ay u doortaan madaxda si lamid ah Gobolka Banaadir iyo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida uu yiri.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cBisha soo socota waxa uu Iftiinka Doorashooyinka ka daarmi doonnaa Gaalkacyo ilaa Ceel Carfiid, kaddib waxaana gayn doonnaa, Laascaanood ilaa Gedo oo Jubbaland ah\u201d<\/em><\/strong> sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan<\/p>\n<p>Gobolka Gedo waxaa kuwada sugan Ciidamada Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo dhowr jeer ku dagaalamay degmooyin katirsan Gobolkaas, waxaana su\u2019aalo la dul dhigayaa qaabka doorashadaan looga qaban doonno iyada oo labada dhinac ay xoogga saarayaan hab maamulka Gobolkaas.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in bisha soo socota uu guddigoodu doorashooyin ka qaban doonno Dowlad-Goboleedyada Galmudug, HirShabeelle, Waqooyi Bari &amp; Gobolka Gedo oo katirsan Jubbaland. Waxa uu sheegay in howl adag loosoo maray sidii loo hirgelin lahaa Doorashooyinkaan dadweyne si Shacabka Soomaaliyeed ay u doortaan madaxda si lamid ah&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":110346,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/110345"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=110345"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/110345\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":110347,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/110345\/revisions\/110347"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/110346"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=110345"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=110345"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=110345"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}