{"id":10839,"date":"2018-11-08T06:57:54","date_gmt":"2018-11-08T06:57:54","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=10839"},"modified":"2018-11-08T07:59:04","modified_gmt":"2018-11-08T07:59:04","slug":"lataliyaha-amniga-ee-madaxweyne-farmaajo-unsom-ha-faragashan-arrimaha-gudaha-ee-soomalaiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/lataliyaha-amniga-ee-madaxweyne-farmaajo-unsom-ha-faragashan-arrimaha-gudaha-ee-soomalaiya\/","title":{"rendered":"Lataliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo: UNSOM Ha faragashan arrimaha gudaha ee Soomalaiya!"},"content":{"rendered":"<p>La taliyaha ammaanka qaranka ee \u00a0madaxweynaha Soomaaliya mudane Abdisaid M. Ali ayaa boggiisa Twitter-ka waxa uu ku qoray qoraal kooban oo uu uga jawaabay war xafiiska QM ee Soomaaliya uu ka soo saaray doorashada dowlad-goboleedka KGS oo Shariif Xasan Sh. Aadan iska casilay 7\u2013November- 2018, xilkii madaxweyne kaddib culeys siyaasadeed oo sida uu sheegay uu dareemay.<\/p>\n<p>Abdisaid M. Ali ayaa yiri: \u201c<em>Ha faragashan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dhaqankaasi waa mid aan la soo dhoweyneyn<\/em>\u201d<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-10841\" src=\"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/La-taliyaha.png\" alt=\"\" width=\"570\" height=\"206\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/La-taliyaha.png 570w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/La-taliyaha-300x108.png 300w\" sizes=\"(max-width: 570px) 100vw, 570px\" \/><\/p>\n<p>Warka la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmajo ayaa ka jawaabayey war-saxaafadeed \u00a0xafiiska QM ee Soomaaliya kasoo saaray doorashada Koofurgalbeed Soomalaiya , kaas oo \u00a0nuxurkiisu ahaa in doorashada KGS ay u dhacdo ama u qabsoonto hab heshiis, is ogol iyo mas\u2019uuliyad kujirto, taas oo tusaale fiican u noqon karta hab-socodka doorashooyinka ee Soomalaiya, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka UNSOM<\/p>\n<p>Waxa suuragal ah in hadalka uu La taliyuhu ku qoray bartiisya Twitterka uu muujineyso heerka uu gaarsiisan yahay xiirirka ka dhexeeya madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska QM ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxa kale oo warkaasi u muuqdaa mid diblomaasiyadeed oo tilmaamaya sida aanay dowladda Soomaaliya ugu qanacsanayn faragelinta arrimaha gudaha ee xafiiska UNSOM oo u muuqata mid taagan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>La taliyaha ammaanka qaranka ee \u00a0madaxweynaha Soomaaliya mudane Abdisaid M. Ali ayaa boggiisa Twitter-ka waxa uu ku qoray qoraal kooban oo uu uga jawaabay war xafiiska QM ee Soomaaliya uu ka soo saaray doorashada dowlad-goboleedka KGS oo Shariif Xasan Sh. Aadan iska casilay 7\u2013November- 2018, xilkii madaxweyne kaddib culeys siyaasadeed oo sida uu sheegay uu&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10840,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,79,1,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10839"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10839"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10839\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/10840"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10839"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10839"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10839"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}