{"id":107783,"date":"2026-03-03T08:26:35","date_gmt":"2026-03-03T08:26:35","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=107783"},"modified":"2026-03-03T08:26:35","modified_gmt":"2026-03-03T08:26:35","slug":"xiriirka-trump-raiisul-wasaaraha-uk-oo-u-xumaaday-jawaabta-iiraan-ay-khasaaraha-ku-gaarsiiyay-danaha-maraykanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/xiriirka-trump-raiisul-wasaaraha-uk-oo-u-xumaaday-jawaabta-iiraan-ay-khasaaraha-ku-gaarsiiyay-danaha-maraykanka\/","title":{"rendered":"Xiriirka Trump &#038; Ra\u2019iisul Wasaaraha UK oo u xumaaday Jawaabta Iiraan ay khasaaraha ku gaarsiiyay Danaha Maraykanka"},"content":{"rendered":"<p>Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu aad u xumaaday xiriirka ka dhaxeeya Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump iyo Ra\u2019iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer kaddib markii Washington ay ku eedeysay dhiggeeda London waxtar la\u2019aan iyo qorshe xumo dagaal.<\/p>\n<p>Donald Trump oo ah nin inta badan aan ka gamban dhaleeceenta madaxda xiriirka la leh isla markaana aan wax xeerin ayaa markii uu arkay kuleelka ka yimid jawaabta ay bixineyso Iiraan waxa uu billaabay in uu xag-xagto dalalka xulufada la ah.<\/p>\n<p>Eedeyn culus uu kala dul dhacay Ra\u2019iisul Wasaaraha Ingiriiska waxa uu si shalaayto ah u yiri <strong><em>\u201cmarnaba ma filanayn in aan arko waxtar la\u2019aanta Ra\u2019iisul Wasaaraha UK, sidoo kalena boqortooyada Ingiriiska kama filanayn sidaan\u201d<\/em><\/strong>.<\/p>\n<p>Trump ayaa sheegay markaan niyad jab ka muujinaya Ingiriiska oo horay dhinac uga baxay Midowga Yurub isuna arka in uu awood buuxda u leeyahay sida Maraykanka oo kale in uu dunida saamayn ku yeesho.<\/p>\n<p>Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maraykanka uu si hoose Ingiriiska uga codsaday Saldhig ay ka duullaan tagaan ciidamadiisa balse London ay diiday, khasaaraha kasoo gaaray dagaalka socda maalintii 4aad ayuu doonayaa in uu uga waji dhaqdo.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu aad u xumaaday xiriirka ka dhaxeeya Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump iyo Ra\u2019iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer kaddib markii Washington ay ku eedeysay dhiggeeda London waxtar la\u2019aan iyo qorshe xumo dagaal. Donald Trump oo ah nin inta badan aan ka gamban dhaleeceenta madaxda xiriirka la leh isla markaana aan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":107784,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107783"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=107783"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107783\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":107785,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107783\/revisions\/107785"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/107784"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=107783"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=107783"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=107783"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}