{"id":107763,"date":"2026-03-02T12:17:12","date_gmt":"2026-03-02T12:17:12","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=107763"},"modified":"2026-03-02T12:17:49","modified_gmt":"2026-03-02T12:17:49","slug":"james-swan-oo-dib-u-eegista-dastuurka-kala-hadlay-guddoomaha-golaha-shacabka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/james-swan-oo-dib-u-eegista-dastuurka-kala-hadlay-guddoomaha-golaha-shacabka\/","title":{"rendered":"James Swan oo dib u eegista Dastuurka kala hadlay Guddoomaha Golaha Shacabka"},"content":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa looga hadlay wadashaqeynta u dhaxeysa Baarlamaanka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo Ergayga uu Guddoomiyaha warbixin ka siiyey taageerada ay siiyaan hay\u2019adaha dowladda iyo howlaha guud ee xafiiskiisa uu dalka ka hayo.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq3-1.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/645709308_1248810937429539_2799614930593121645_n.jpg?_nc_cat=111&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=7b2446&amp;_nc_ohc=uOXX5n_iTg4Q7kNvwFyiQ_i&amp;_nc_oc=Adkglp8clXS4pJwMNySR3pOMHZtebT8c4PC4BLhzjmtKQn-LwG3ik5lw6WQM5wmv7wM&amp;_nc_zt=23&amp;_nc_ht=scontent.fmgq3-1.fna&amp;_nc_gid=6-kcNyCaZsMZd1HHUTblPA&amp;_nc_ss=8&amp;oh=00_AfxL1o4Tu0T_Z5Jp0pMMcuPmM_pCKz_8LTQoIbpCLkLMMg&amp;oe=69AB4B93\" alt=\"May be an image of one or more people and text\" width=\"1256\" height=\"837\" \/><\/p>\n<p>Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa si gaar ah u dul istaagay halka ay mareyso howsha dib u eegista iyo dhammaystirka Dastuurka.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in labada aqal ee Baarlamaanka ay dadaal badan ku bixinayaan sidii la dhammeystiri lahaa dastuurka, isagoo xusay in hawshaasi ay meel wanaagsan marayso.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wadashaqeyntooda.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli la filayo in dhammaadka toddobaadkan cod loo qaado dib u eegista Dastuurka dalka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Kulanka ayaa looga hadlay wadashaqeynta u dhaxeysa Baarlamaanka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo Ergayga uu Guddoomiyaha warbixin ka siiyey taageerada ay siiyaan hay\u2019adaha dowladda&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":107764,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107763"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=107763"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107763\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":107766,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107763\/revisions\/107766"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/107764"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=107763"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=107763"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=107763"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}