{"id":107700,"date":"2026-02-28T12:13:04","date_gmt":"2026-02-28T12:13:04","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=107700"},"modified":"2026-02-28T12:15:58","modified_gmt":"2026-02-28T12:15:58","slug":"sidee-dalalka-khaliijka-carabta-uga-falceliyeen-weerarada-iiraan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/sidee-dalalka-khaliijka-carabta-uga-falceliyeen-weerarada-iiraan\/","title":{"rendered":"Sidee dalalka Khaliijka Carabta uga falceliyeen weerarada Iiraan?"},"content":{"rendered":"<p>Dalalka Khaliijka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarada Iiraan ku soo qaadday dhulalkooda, iyagoo ku tilmaamay gardarro bareer ah oo wax u dhimaysa amniga gobolka iyo sharciga caalamiga ah.<\/p>\n<p>Sacuudi Carabiya ayaa hormuud u ahayd baaqyada cambaareynta, iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda lagu yiri: <strong>\u201cWaxaan cambaareynaynaa weerarka Iiraan ku soo qaadday wadankeena, marna ma ogolin in lagu xadgudbo madaxbannaanida dalkeena. Waxaan qaadi doonaa tallaabo kasta oo lagu sugayo amniga qaranka.\u201d<\/strong><\/p>\n<p>Sidoo kale, Sacuudiga ayaa sheegay inuu adeegsan doono Awoodiisa si uu difaaco dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Qadar, Kuwayt iyo Urdun.<\/p>\n<p>Dhanka kale,<strong> Imaaraadka Carabta<\/strong> ayaa ku dhowaaqay inay u taagan yihiin difaacista dalkooda, iyagoo yiri: \u201cXaq ayaan u leenahay in aan is difaacno, waxaan diidanahay weerar kasta oo nalagu soo qaaday. Ma aqbalayno in la khatar geliyo amniga shacabkayaga iyo xasiloonida dhulkayaga.\u201d<\/p>\n<p>Dowladda Qadar ayaa iyaduna muujisay walaac xooggan, iyadoo weerarka ku tilmaamtay mid ka baxsan diblomaasiyadda. <em>\u201cWeerarka Iiraan nagu soo qaaday wuxuu dhaawacayaa Madaxbannaanida dalkeena, waana wax laga xumaado oo aan loo dulqaadan karin,\u201d<\/em> ayay lagu yiri qoraalka ka soo baxay Doha.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, Dowladda Kuwait ayaa ku tilmaamtay falka Iiraan mid xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah, iyadoo tiri: <strong>\u201cIiraan waxa ay weerar ku soo qaadday dhulkeena, waana xadgudub bareer ah oo ka hor imaanaya Sharciga Caalamiga ah. Beesha caalamku waa inay mas\u2019uuliyad iska saartaan joojinta gardarradan.\u201d<\/strong><\/p>\n<p>Dalalka Khaliijka ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo xulafada caalamiga ah inay soo farogaliyaan xaaladaan, si looga hortago dagaal ka qarxa gobolka.<\/p>\n<p>Weeraradaan ayaa ku soo aadaya xilli Israa\u2019iil iyo Mareykanka weerar ku qaadeen Caasimadda Iiraan ee Tehraan, halkaasi oo la soo warinayo inuu khasaare ku soo gaarey dad rayid ah.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dalalka Khaliijka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarada Iiraan ku soo qaadday dhulalkooda, iyagoo ku tilmaamay gardarro bareer ah oo wax u dhimaysa amniga gobolka iyo sharciga caalamiga ah. Sacuudi Carabiya ayaa hormuud u ahayd baaqyada cambaareynta, iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda lagu yiri: \u201cWaxaan cambaareynaynaa weerarka Iiraan ku soo qaadday wadankeena,&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":107701,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107700"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=107700"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107700\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":107705,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107700\/revisions\/107705"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/107701"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=107700"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=107700"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=107700"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}