{"id":107465,"date":"2026-02-21T12:17:57","date_gmt":"2026-02-21T12:17:57","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=107465"},"modified":"2026-02-21T12:27:17","modified_gmt":"2026-02-21T12:27:17","slug":"hayadda-hormuud-salaam-oo-deeq-lacageed-ku-wareejisay-120-qoys-iyo-xaruunta-maamo-ugaaso","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/hayadda-hormuud-salaam-oo-deeq-lacageed-ku-wareejisay-120-qoys-iyo-xaruunta-maamo-ugaaso\/","title":{"rendered":"Hay&#8217;adda Hormuud Salaam oo deeq lacageed ku wareejisay 120 Qoys iyo Xaruunta Maamo Ugaaso"},"content":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda samafalka ee Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta deeq lacageed oo isugu jirta taageero iyo garab istaag ku wareejisay Xarunta Xannaanada Gabdhaha Agoonta ah ee Maamo Ugaaso iyo Ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC).<\/p>\n<p>Ugu horreyn, Hay\u2019adda Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed oo gaaraysa <strong>$10,000 <\/strong>(Toban Kun oo Dollar) ku wareejisay Xarunta Maamo Ugaaso.<\/p>\n<p>Xaruntan ayaa hoy ah, daryeel caafimaad, iyo waxbarasho isugu jirta maaddooyinka asaasiga ah iyo xifdinta Qur\u2019aanka Kariimka ah u fidisa gabdho yar-yar oo agoon ah.<\/p>\n<p>Guddoomiye Ku-xigeenka Hay\u2019adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi (Kobac), oo ka hadlay munaasabadda wareejinta, ayaa yiri <strong>&#8220;Lacagta aan ku wareejinnay Maamo Ugaaso waxaan ugu talagalnay inay ku kaalmayso shaqooyinka muhiimka ah ee ay xaruntu u hayso ubadka Soomaaliyeed. Waxaan u mahadcelineynaa Maamada isku xilsaartay daryeelka agoonta.&#8221;<\/strong><\/p>\n<p>Sidoo kale, Maamo Ugaaso oo ah maamulaha xarunta, ayaa u mahadcelisay Hay\u2019adda Hormuud Salaam Foundation, iyadoo tiri \u00a0<strong>\u201cDeeqdan lacageed waan idin kaga mahadcelinaya Hormuud Salaam, waa arrin boggaadin mudan sida aad u garab taagan tihiin Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka jilicsan\u201d<\/strong><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/640375347_1228114336111773_8945845226625538035_n.jpg?_nc_cat=106&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=13d280&amp;_nc_ohc=vxec_2g0UOYQ7kNvwF_ajkd&amp;_nc_oc=Adn_LyPLI02ITwtJXdT3lVBDBkdqv2xyJzVhR3EjUT_DgTgJmz5AF3MqC-OygV1Mljc&amp;_nc_zt=23&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;_nc_gid=JgUT3nUGH_u7Q0n9Hqi1QQ&amp;oh=00_Afsu7YUVrXaWZ6tW3E-108HyvW2iEphd9C1LBpE-QMqnJA&amp;oe=699F7E6B\" alt=\"May be an image of \u200echild and \u200etext that says '\u200e\u05d0\u05d2\u05d9. \u5730\u30b7\u3093 BOOD VIRLS GOOD GeeDVIE VIE HSF HORMUUDS HORMUUDSALAAM MUUDSALA SALAAM SAL FOUNDATION\u200e'\u200e\u200e\" \/><\/p>\n<p>Dhinaca kale, mas\u2019uuliyiinta Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed oo loogu talagalay 120 qoys oo danyar ah ku wareejiyay Ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC).<\/p>\n<p>Qoysaskan oo isugu jira rag iyo dumar, ayaa u badan dad waayeel ah iyo kuwo qaba baahiyo gaar ah oo aan awoodin inay shaqaystaan.<\/p>\n<p>Agaasimaha Guud ee Ururka SWDC, Sahra Maxamed Axmed, iyo mas\u2019uuliyiin ka tirsan ururka African Women Leadership Network, ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyay hay\u2019adda kaalinta weyn ee ay ka qaadatay samata-bixinta dadka nugul.<\/p>\n<p>Dhankeeda, Raaxo Xuseen Xirsi, oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka Hormuud Salaam Foundation, ayaa xustay in hay\u2019addu ay mudnaanta koowaad siinayso daryeelka qaybaha bulshada ee u baahan gurmadka degdegga ah, gaar ahaan xilliyada adag.<\/p>\n<p><strong>&#8220;Iyadoo dalku uu ku jiro xilli adag oo ay jiraan saamaynta abaaraha, Hormuud Salaam Foundation waxay dadaal weyn ku bixinaysaa sidii ay u garab istaagi lahayd dadka tabaalaysan. Waxaan xoogga saarnay inaan bixinno tabarucaad u fududeynaya bulshada inay helaan Afur iyo adeegyada asaasiga ah,&#8221;<\/strong> ayay tiri Guddoomiye Raaxo Xuseen.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/639972585_1228114249445115_8827596309728315075_n.jpg?_nc_cat=108&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=13d280&amp;_nc_ohc=M29dzSWBDCsQ7kNvwFi3VIj&amp;_nc_oc=Adn16N6O0smN3UkJszbOV6nJ_x-9Y5bot9lVDNT5iw7COHES72n6YaeHplxaP90GxF8&amp;_nc_zt=23&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;_nc_gid=Nxm0LkkhcLhw9JgO1Y2WAg&amp;oh=00_AfvbLwPw9cW8xiJw-Bg2FI7-PTg30IOUgPjoHupdxdJtbg&amp;oe=699F6D54\" alt=\"May be an image of one or more people, dais and text that says 'HSF HORMUUDSALAAM HORMUUD SALAAM FOUNDATION'\" \/><\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, qaar ka mid ah qoysaskii ka faa\u2019iideystay deeqdan lacageed ayaa muujiyay dareenkooda, iyagoo tilmaamay in Hormuud Salaam Foundation u soo gurmatay xilli ay u baahnaayeen, isla markaasna ay sooman yihiin Bisha Barakeysane ee Ramadaan.<\/p>\n<p>Maalmihii la soo dhaafay Hay&#8217;adda Hormuud Salaam ayaa gargaar iyo deeq lacageed gaarsiisay xarruumaha loogu adeego bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa nugul.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda samafalka ee Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta deeq lacageed oo isugu jirta taageero iyo garab istaag ku wareejisay Xarunta Xannaanada Gabdhaha Agoonta ah ee Maamo Ugaaso iyo Ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC). Ugu horreyn, Hay\u2019adda Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed oo gaaraysa $10,000 (Toban Kun oo Dollar) ku wareejisay Xarunta Maamo Ugaaso. Xaruntan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":107466,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107465"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=107465"}],"version-history":[{"count":8,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107465\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":107474,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107465\/revisions\/107474"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/107466"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=107465"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=107465"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=107465"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}