{"id":107093,"date":"2026-02-10T09:48:40","date_gmt":"2026-02-10T09:48:40","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=107093"},"modified":"2026-02-10T11:19:13","modified_gmt":"2026-02-10T11:19:13","slug":"baarlamaanka-soomaaliya-oo-maanta-waqti-dheeraad-ah-geliyay-ka-doodista-dastuurka-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/baarlamaanka-soomaaliya-oo-maanta-waqti-dheeraad-ah-geliyay-ka-doodista-dastuurka-dalka\/","title":{"rendered":"Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta waqti dheeraad ah geliyay ka doodista Dastuurka Dalka"},"content":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa Xildhibaannada xaadiray kulankooda wadajirka ah u sheegay in waqti dheeraad ah ay sii shaqayn doonnaan.<\/p>\n<p>Aadan Madoobe ayaa Xildhibaannada u sheegay in maanta aanay bannaanka loo aadi doonnin qado isla markaana xaruntooda loogu keenayo si loosii gudagabo fadhiga oo qaadanaya waqti ka badan saacadihii uu horay qaadan jiran.<\/p>\n<p>Sababta uu Guddoonka Baarlamaanka u qaatay waxa uu Guddoomiye Aadan Madoobe sheegay in ay tahay waqtiga oo isguraya, Howsha Dastuurkana u furan tahay maadaama uu ay sugayaaan 20 Milyan oo Soomaali ah sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p><strong><em>&#8220;20 Milyan oo Soomaali ah ayaa na sugeysaa, culeys weyn ayaa na saaran, Dastuurka aan dhammeystirno, marka salaadda lasoo tukado lasoo\u00a0 noqdo, maanta laga billaabo waxa aan u samaynaynaa Qado shaqo, waqtiga wuu nagu yar yahay oo waad ogtihiin Soon ayaa soo dhaw&#8221;<\/em><\/strong> Sidaasi waxaa yiri, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Madoobe.<\/p>\n<p><strong>Aadan Madoobe iyo Abshirow yaa ku guuleystay shirguddoominta Baarlamaanka afartii kulan ee u dambeysay?<\/strong><\/p>\n<p>Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Madoobe ayaa 2 jeer ku guuldaraystay in si xasiloon uu Baarlamaanka u galo Doodda wax ka badalka dastuurka ee cutubyada 4aad ilaa 9aad ee Dastuurka KMG ee Dalka.<\/p>\n<p>Halka Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee BFS, Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ku simaha Guddoomiyaha ah suuragalay labadii kulan u dambeeyay in Xildhibaannadu ka doodaan wax ka badalka Dastuurka dalka.<\/p>\n<p>Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa ka maqnaa 47 Xildhibaan oo Guddoonka u diiday ka qaybgalka dhowr kulan kaddib markii lagu eedeeyay in ay sameeyeen rabshado uu ka furmi waayay kulamo xiriir ah.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa Xildhibaannada xaadiray kulankooda wadajirka ah u sheegay in waqti dheeraad ah ay sii shaqayn doonnaan. Aadan Madoobe ayaa Xildhibaannada u sheegay in maanta aanay bannaanka loo aadi doonnin qado isla markaana xaruntooda loogu keenayo si loosii gudagabo fadhiga&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":67556,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107093"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=107093"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107093\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":107095,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107093\/revisions\/107095"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67556"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=107093"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=107093"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=107093"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}