{"id":107074,"date":"2026-02-09T14:47:47","date_gmt":"2026-02-09T14:47:47","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=107074"},"modified":"2026-02-09T14:47:47","modified_gmt":"2026-02-09T14:47:47","slug":"nisa-oo-sheegtay-in-duqeyn-dhinaca-cirka-ah-lala-beegsaday-saraakiil-ka-tirsan-as","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/nisa-oo-sheegtay-in-duqeyn-dhinaca-cirka-ah-lala-beegsaday-saraakiil-ka-tirsan-as\/","title":{"rendered":"NISA oo sheegtay in duqeyn dhinaca cirka ah lala beegsaday saraakiil ka tirsan AS"},"content":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa saaxiibada amniga ee caalamiga ah, ayaa fulisay duqeyn dhinaca circa ah oo ka dhacday duleedka degmada Saakow ee gobola Jubbada Dhexe.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday saraakiil sare oo ka tirsan AS oo ku sugnaa degmada Saakow.<\/p>\n<p><strong>\u201cAyada oo la helayo taageerada saaxiibada amniga ee caalamiga ah, NISA waxay fulisay hawlgal qorsheysan oo lagu beegsaday hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo ku sugnaa duleedka degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe,\u201d<\/strong> ayaa lagu yiri warka ka soo baxay hay&#8217;adaha amniga.<\/p>\n<p>Ilaa hadda ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyay magaca hoggaamiyeyaasha lala beegsaday Duqeymaha.<\/p>\n<p>Degmada Saakow iyo nawaaxigeeda ayaa muddooyinkii u dambeeyay bartilmaameed u ahaa hawlgalada dhinaca cirka ah, maadaama gobolka Jubbada Dhexe uu weli yahay goob ay ku sugan yihiin hoggaanka ugu sarreeya ee Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay duqeymaha dhinaca circa ah ee lala beegsado Xubnaha iyo Saraakiisha AS.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa saaxiibada amniga ee caalamiga ah, ayaa fulisay duqeyn dhinaca circa ah oo ka dhacday duleedka degmada Saakow ee gobola Jubbada Dhexe. War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday saraakiil sare oo ka tirsan AS oo ku sugnaa degmada Saakow. \u201cAyada oo la&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":96444,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107074"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=107074"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107074\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":107075,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/107074\/revisions\/107075"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/96444"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=107074"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=107074"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=107074"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}