{"id":106813,"date":"2026-02-01T15:42:03","date_gmt":"2026-02-01T15:42:03","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=106813"},"modified":"2026-02-01T15:42:03","modified_gmt":"2026-02-01T15:42:03","slug":"hoggaamiyaha-iiraan-oo-digniin-adag-u-diray-mareykanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/hoggaamiyaha-iiraan-oo-digniin-adag-u-diray-mareykanka\/","title":{"rendered":"Hoggaamiyaha Iiraan oo digniin adag u diray Mareykanka"},"content":{"rendered":"<p>Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa digniin adag u diray dowladda Mareykanka, isagoo sheegay in weerar kasta oo lagu qaado dalkiisa uu horseedi doono dagaal ka qarxa Bariga Dhexe.<\/p>\n<p>Khamenei oo hadal ka jeedinayay munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii ka soo wareegtay kacdoonkii Iran ee 1979-kii, ayaa sheegay in Mareykanku ay tahay inay ogaadaan cawaaqibka ka dhalan kara dagaal ay bilaabaan.<\/p>\n<p>Hoggaamiyaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka inay doonayaan inay dhacaan khayraadka saliidda iyo gaaska ee Iran, wuxuu sheegay in Washington ay mar walba isku dayeyso inay wiiqdo madaxbannaanida dalka Iran.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Khamenei ayaa ka hadlay dibadbaxyadii dhowaan ka dhacay gudaha Iran, kuwaas oo uu ku tilmaamay isku day inqilaab oo fashilmay.<\/p>\n<p>Wuxuu ku eedeeyay dibadbaxayaasha inay weerareen xarumaha dowladda, saldhigyo ay leeyihiin ciidanka Ilaalada Kacaanka (IRGC), bangiyo iyo masaajiddo.<\/p>\n<p>Hadalka Khamenei ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxaysa labada dal ee Iran iyo Mareykanka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa digniin adag u diray dowladda Mareykanka, isagoo sheegay in weerar kasta oo lagu qaado dalkiisa uu horseedi doono dagaal ka qarxa Bariga Dhexe. Khamenei oo hadal ka jeedinayay munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii ka soo wareegtay kacdoonkii Iran ee 1979-kii, ayaa sheegay in Mareykanku ay tahay inay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":106814,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106813"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=106813"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106813\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":106815,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106813\/revisions\/106815"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/106814"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=106813"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=106813"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=106813"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}