{"id":106622,"date":"2026-01-26T19:00:52","date_gmt":"2026-01-26T19:00:52","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=106622"},"modified":"2026-01-26T19:00:52","modified_gmt":"2026-01-26T19:00:52","slug":"baarlamaanka-federaalka-oo-lagu-wareejiyay-cutubyada-5-ilaa-9-aad-ee-dastuurka-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/baarlamaanka-federaalka-oo-lagu-wareejiyay-cutubyada-5-ilaa-9-aad-ee-dastuurka-dalka\/","title":{"rendered":"Baarlamaanka Federaalka oo lagu wareejiyay cutubyada 5 ilaa 9 aad ee Dastuurka dalka"},"content":{"rendered":"<p>Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay soo-jeedinta wax-ka-beddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka KMG ah, iyadoo tallaabadani ay ku soo aadayso xilli uu muran ka taagan yahay xiritaanka Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka.<\/p>\n<p>Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa la filayaa in maalinta berri ah ay kulan aan caadi aheyn ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saari doono dhammeystirka Dastuurka.<\/p>\n<p>Guddiga ayaa lagu wadaa in ay go\u2019aamiyaan xilliga rasmiga ah ee Xildhibaannada la horgeynayo cutubyadan harsan si looga doodo.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, waxaa soo baxaya guux siyaasadeed oo ka imaanaya qaar kamid ah Xildhibaannada Mucaaradka, kuwaas oo diidan hannaanka ay Dowladda Federaalka u maareynayso geeddi-socodka dhammeystirka Dastuurka dalka.<\/p>\n<p>Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo xubin ka ah Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ayaa iska fogeeyay nuqulka loo gudbiyay Guddoonka, isagoo yiri:<\/p>\n<p><strong>&#8220;Annigoo ka tirsan Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka, waxaan Ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in aanan daraf ka aheyn nuqulka loo gudbiyay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, kaas oo uu gudbiyay Guddoomiyaha Guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka, kuna saabsan soo-jeedimaha wax-kabeddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad iyo Shintiriska Doodda<\/strong>.&#8221;<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in ka hor inta uusan xirmin Kalfadhiga 7-aad, oo ku eg 28-ka bishan Janaayo, la dhammeystiro ansixinta qeybaha harsan ee Dastuurka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay soo-jeedinta wax-ka-beddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka KMG ah, iyadoo tallaabadani ay ku soo aadayso xilli uu muran ka taagan yahay xiritaanka Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka. Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa la filayaa in maalinta berri ah ay kulan aan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":98133,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106622"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=106622"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106622\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":106623,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106622\/revisions\/106623"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/98133"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=106622"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=106622"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=106622"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}