{"id":106595,"date":"2026-01-26T07:42:27","date_gmt":"2026-01-26T07:42:27","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=106595"},"modified":"2026-01-26T07:42:27","modified_gmt":"2026-01-26T07:42:27","slug":"baraf-xooggan-oo-dowladda-maraykanka-ku-qasbay-in-ay-hakiso-in-ka-badan-10-kun-oo-duulimaad-xaaladda-oo-adag","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/baraf-xooggan-oo-dowladda-maraykanka-ku-qasbay-in-ay-hakiso-in-ka-badan-10-kun-oo-duulimaad-xaaladda-oo-adag\/","title":{"rendered":"Baraf Xooggan oo Dowladda Maraykanka ku qasbay in ay hakiso in ka badan 10 kun oo duulimaad &#038; Xaaladda oo adag"},"content":{"rendered":"<p>Baraf Xooggan oo ku da\u2019ay Dalka Maraykanka ayaa dhaliyay Xaalado adag sida Korontada oo meelaha qaar la waayay, isu socodka Dadka iyo Gaadiidka oo joogsaday, Ganacsiga oo istaagay &amp; In ka badan 10 kun oo Duullimaad oo la joojiyay.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda Cimillada Qaranka ee Maraykanka (NWS) ayaa dadka ugu baaqday in ay kaydsadaan Cuntada ay haystaan maadaama xaaladdu ay tahay mid adag, waxaa heegan la geliyay kooxaha loogu talagalay in ay ka jawaabaan cabasho weliba oo dhankaas ka imaata.<\/p>\n<p>Gobollada ugu daran ee Barafka uu saameeyay waxaa kamid ah Tennessee, Texas, Mississippi, Kentucky iyo Georgia, waxa uu heer kulku uu gaaray -50\u00b0F (-45\u00b0C) halka meelaha qaar uu kasii hoosayn karo sida warbixinnadu ay muujinayaan.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiinta Federaalka &amp; Maamullada Gobollada dhibaatooyinka ka dhashay Barafka ka jiraan ayaa dadka u muujiyay garab istaag iyo dhiirragelin, waxa ay ugu baaqeen in laga fogaado inay dadkaas bannaanka usoo baxaan kuna dul socdaan barafkaas.<\/p>\n<p>Dhowaan Dalal Yurub ah sida Faransiiska ayaa sidaan oo kale loo joojiyay duullimaadka Diyaaradaha sababo la xiriira Baraf ku hooray oo saamayn taban ku reebay, waxaa laga cabsi qabaa in uu gaari karo Dalal kale.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Baraf Xooggan oo ku da\u2019ay Dalka Maraykanka ayaa dhaliyay Xaalado adag sida Korontada oo meelaha qaar la waayay, isu socodka Dadka iyo Gaadiidka oo joogsaday, Ganacsiga oo istaagay &amp; In ka badan 10 kun oo Duullimaad oo la joojiyay. Hay\u2019adda Cimillada Qaranka ee Maraykanka (NWS) ayaa dadka ugu baaqday in ay kaydsadaan Cuntada ay haystaan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":106596,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106595"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=106595"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106595\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":106597,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106595\/revisions\/106597"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/106596"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=106595"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=106595"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=106595"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}