{"id":106429,"date":"2026-01-20T17:45:24","date_gmt":"2026-01-20T17:45:24","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=106429"},"modified":"2026-01-21T02:47:58","modified_gmt":"2026-01-21T02:47:58","slug":"turkiga-iyo-sacuudiga-oo-ka-wada-hadlay-amniga-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/turkiga-iyo-sacuudiga-oo-ka-wada-hadlay-amniga-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Turkiga iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay amniga Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Akta\u015f, ayaa xarunta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Maxamed Al-Mowallad.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa diiradda lagu saarayey xaaladaha guud ee dalka iyo sidii la isaga kaashan lahaa fursadaha wax-wada-qabsi ee lagu taageerayo Soomaaliya.<\/p>\n<p>Labada Danjire ayaa isla gartay in la xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, iyada oo Turkigu uu hormuud ka yahay taageerada dhismaha ciidamada iyo la dagaallanka AS.<\/p>\n<p>Danjire Alper Akta\u015f ayaa xusay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta dalalka kale ee saaxiibada la ah Soomaaliya, si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar dhameystiran.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli Turkiga iyo Sacuudiga ay kamid yihiin dalalka sida dhow u taageeray midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Akta\u015f, ayaa xarunta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Maxamed Al-Mowallad. Kulankan ayaa diiradda lagu saarayey xaaladaha guud ee dalka iyo sidii la isaga kaashan lahaa fursadaha wax-wada-qabsi ee lagu taageerayo Soomaaliya. Labada Danjire ayaa isla gartay in la xoojiyo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":106430,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106429"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=106429"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106429\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":106431,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106429\/revisions\/106431"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/106430"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=106429"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=106429"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=106429"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}