{"id":106421,"date":"2026-01-20T13:51:54","date_gmt":"2026-01-20T13:51:54","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=106421"},"modified":"2026-01-20T14:05:45","modified_gmt":"2026-01-20T14:05:45","slug":"sidee-dowladda-soomaaliya-uga-falcelisay-goaankii-ka-soo-baxay-maxkamadda-rafcaanka-bariga-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/sidee-dowladda-soomaaliya-uga-falcelisay-goaankii-ka-soo-baxay-maxkamadda-rafcaanka-bariga-afrika\/","title":{"rendered":"Sidee dowladda Soomaaliya uga falcelisay go\u2019aankii ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka Bariga Afrika?"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo dhaweesay go\u2019aankii shalay ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka Bariga Afrika, kaas oo meesha ka saaray go\u2019aamadii hore ee hakinta ku sameeyay dhaarinta wakiillada Soomaaliya ee loo doortay Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA).<\/p>\n<p>Warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya soo dhaweenayso go\u2019aanka ay Maxkamadda Rafcaanka Bariga Afrika, ka gaartay 9 mudane kuwaas oo la hakiyay dhaarintooda.<\/p>\n<p>Sidoo kale Warsaxaafadeedka ayaa lagu sii yiri, <em><strong>\u201cWasaaraddu waxay hambalyeynaysaa sagaalka Xildhibaan ee Bulshada Bariga Afrika ee uu doortay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo mar kale xaqiijinaysa sida ay Soomaaliya uga go\u2019an tahay is-dhexgalka gobolka iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.\u201d<\/strong><\/em><\/p>\n<p>Maxkamadda Racfaanka East Africa ayaa shalay go\u2019aamisay in Xildhibaannada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ay sharci yihiin, kaddib markii baaris lagu sameeyay habka ay ku yimaadeen.<\/p>\n<p>Dhowaan ayaa lagu wadaa in la dhaariyo sagaalka \u00a0Xildhibaan oo ay soo doorteen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ka dib kulan wada jir ah oo ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa October 15, 2025.<\/p>\n<p>Sagaalka Xildhibaan ayaa kala ah; Xuseen Xasan Maxamed, Ilhaan Cali Gasar, Faysal Cabdi Rooble, Cabdisalaan Hadliye Cumar, Cabdiraxmaan Bashiir Shariif, Fahma Axmed Cali, Faadumo Cabdullaahi Maxamuud, Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi iyo Sahra Cali Xasan.<\/p>\n<p>Doorka Xildhibaannadaan ayaa ah meelmarinta, wax ka badalka badalka shuruucda ku saabsan ganacsiga, socdaalka, maalgashiga, gaadiidka, iyo iskaashiga dhaqaale, kuwaas oo ay tahay in ay Soomaaliya codkeeda laga maqlo fadhiga Baarlamaanka.<\/p>\n<p>Xildhibaannadaan oo muddo xileedkoodu ku eg yahay 2027 ayaan matalin xisbiyada ka jira dalka, balse waxa ay tahay waajibaadkooda ka shaqeynta danta guud ee dalka, iyaga oo la doonaya in ay saameen ku yeeshaan mustaqbal dhaqaale iyo kan siyaasadeed ee Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo dhaweesay go\u2019aankii shalay ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka Bariga Afrika, kaas oo meesha ka saaray go\u2019aamadii hore ee hakinta ku sameeyay dhaarinta wakiillada Soomaaliya ee loo doortay Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA). Warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya soo dhaweenayso&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":66618,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106421"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=106421"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106421\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":106428,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106421\/revisions\/106428"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/66618"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=106421"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=106421"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=106421"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}