{"id":106338,"date":"2026-01-19T03:03:47","date_gmt":"2026-01-19T03:03:47","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=106338"},"modified":"2026-01-19T03:03:47","modified_gmt":"2026-01-19T03:03:47","slug":"taliska-ciidanka-booliiska-oo-askarta-hubeysan-ka-mamnuucay-mootada-fekonta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/taliska-ciidanka-booliiska-oo-askarta-hubeysan-ka-mamnuucay-mootada-fekonta\/","title":{"rendered":"Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta"},"content":{"rendered":"<p>Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay qaaday tillaabooyin lagu adkeynayo amniga Muqdisho, ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaalada rag dhac u geysaya shacabka<\/p>\n<p>Qoraal ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidanka booliiska ay soo xireen eedaysane D\/le Liiban Mustaf Adan, oo ku eedaysan dhac is xig-xiga oo uu ka gaystay dhowr degmo oo ka mid ah Caasimadda.<\/p>\n<p>Eedaysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Boliiska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loogu waafajiyo.<\/p>\n<p>Sidoo kale, taliska Booliiska ayaa mamnuucay in askari hubaysan uu isticmaalo mooto fekon.<\/p>\n<p><strong>&#8220;Gudaha caasimadda lama oggola in askari hubaysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko. Askarigii ka dhaga adeega awaamirta hay\u2019addaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan&#8221;<\/strong> ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska.<\/p>\n<p>Amniga Magaalada Muqdisho ayaa aad wanaagsan maalmihii la soo dhaafay, marka laga reebo falalka dhaca ee ay geystaan rag hubeysan.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay qaaday tillaabooyin lagu adkeynayo amniga Muqdisho, ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaalada rag dhac u geysaya shacabka Qoraal ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidanka booliiska ay soo xireen eedaysane D\/le Liiban Mustaf Adan, oo ku eedaysan dhac is xig-xiga oo uu&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":106339,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106338"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=106338"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106338\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":106340,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106338\/revisions\/106340"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/106339"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=106338"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=106338"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=106338"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}