{"id":106229,"date":"2026-01-15T11:22:25","date_gmt":"2026-01-15T11:22:25","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=106229"},"modified":"2026-01-15T11:22:25","modified_gmt":"2026-01-15T11:22:25","slug":"puntland-oo-gabi-ahaanba-mamnuucday-khamaarka-internet-ka-ee-loo-yaqaanno-1xbet","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/puntland-oo-gabi-ahaanba-mamnuucday-khamaarka-internet-ka-ee-loo-yaqaanno-1xbet\/","title":{"rendered":"Puntland oo gabi ahaanba mamnuucday khamaarka internet-ka ee loo yaqaanno 1xBet."},"content":{"rendered":"<p>Shirka toddobadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland oo maanta ka qabsoomay magaalada Garoowe, uuna guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Maamulkaasi.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in golaha wasiirrada gabi ahaanba amreen in la mamnuuco khamaarka internet-ka ee loo yaqaanno 1xBet.<\/p>\n<p>Bayaanka ayaa farriin loogu dirtay shirkadaha isgaarsiinta, iyadoo la amray in si dhameystiran loo joojiyo adeegyada 1xBet ee laga isticmaalo deegaanada Puntland.<\/p>\n<p><strong>&#8220;Golaha Wasiirada ayaa markale ku celiyay in Puntland uu mamnuuc ka yahay Khamaarka (1xBet), waxaana lagu wargeliyay Hay\u2019adaha iyo Shirkadaha Isgaarsiinta in si dhameystiran loo joojiyo,&#8221;<\/strong> ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada.<\/p>\n<p>Go\u2019aankan ayaa ku soo aadaya xilli muddooyinkii u dambeeyey ay soo kordhayeen cabashooyinka waalidiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku aaddan saamaynta xun ee khamaarka 1xBet uu ku yeeshay amniga iyo akhlaaqda dhallinyarada.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shirka toddobadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland oo maanta ka qabsoomay magaalada Garoowe, uuna guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Maamulkaasi. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in golaha wasiirrada gabi ahaanba amreen in la mamnuuco khamaarka internet-ka ee loo yaqaanno 1xBet. Bayaanka ayaa&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":106230,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,77],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106229"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=106229"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106229\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":106231,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106229\/revisions\/106231"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/106230"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=106229"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=106229"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=106229"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}