{"id":105822,"date":"2026-01-03T03:42:54","date_gmt":"2026-01-03T03:42:54","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=105822"},"modified":"2026-01-02T11:47:30","modified_gmt":"2026-01-02T11:47:30","slug":"abaar-saamayn-taban-ku-reebtay-xoolo-dhaqato-beeralay-oo-ka-jirta-koofur-galbeed-iyo-jubbaland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/abaar-saamayn-taban-ku-reebtay-xoolo-dhaqato-beeralay-oo-ka-jirta-koofur-galbeed-iyo-jubbaland\/","title":{"rendered":"Abaar saamayn taban ku reebtay Xoolo dhaqato &#038; Beeralay oo ka jirta Koofur Galbeed iyo Jubbaland"},"content":{"rendered":"<p>Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo Jubbaland waxaa ka jira abaar saamayn taban ku reebtay dadka Xoolo dhaqatada ah iyo kuwa Beeralayda ah, qoysaska qaar ayaa billaabay in ay u hayaamaan deegaanno kale.<\/p>\n<p>Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal Media u sheegay in xaaladdu ay sii adkaatay maalmihii lasoo dhaafay kaddib markii biyihii yaraa ee deegaannada qaar laga helayay laga waayay ceelasha sidaas awgeedna dadku isaga tageen deegaannadooda.<\/p>\n<p>Xoolaha la dhaqdo ayaa deegaannada qaar billaabay in Harraad iyo doog la\u2019aan isugu darsantay darteed in ay tarab-tarab u baqtiyaan, waxaana triada ugu badan ee nooca xoolahaas lagu sheegay in ay Lo\u2019da ay safka hore uga jirto.<\/p>\n<p>Dhul baaxad weyn oo beeraha ku abuuran ku tiirsanaa Webiyada Jubba &amp; Shabeelle ayaa qalalan, waxaana laga digayaa in xaaladdu ay kasii adkaato sida ay hadda tahay haddii aan Roob da\u2019in ama Webiyadu biyo keenin.<\/p>\n<p>Boqolaal qoys ayaa bishii u danbaysay 2025 ee December isaga barakacay deegaannadooda Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, dadkaan ayaa naftooda kala baxsaday dhulka qalalan ee harraadka badan ku qabtay si ay naftooda u badbaadistaan.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo Jubbaland waxaa ka jira abaar saamayn taban ku reebtay dadka Xoolo dhaqatada ah iyo kuwa Beeralayda ah, qoysaska qaar ayaa billaabay in ay u hayaamaan deegaanno kale. Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal Media u sheegay in xaaladdu ay sii adkaatay maalmihii lasoo dhaafay kaddib markii biyihii yaraa ee deegaannada&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":60581,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,78,79],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105822"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=105822"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105822\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":105823,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105822\/revisions\/105823"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/60581"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=105822"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=105822"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=105822"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}