{"id":105764,"date":"2026-01-01T06:24:59","date_gmt":"2026-01-01T06:24:59","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=105764"},"modified":"2026-01-01T06:24:59","modified_gmt":"2026-01-01T06:24:59","slug":"soomaaliya-oo-u-mahadcelisay-dalalka-ku-baaqay-in-la-ilaaliyo-midnimada-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/soomaaliya-oo-u-mahadcelisay-dalalka-ku-baaqay-in-la-ilaaliyo-midnimada-dalka\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo u mahadcelisay dalalka ku baaqay in la ilaaliyo midnimada dalka."},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dalal u soo diray farriimo garab istaag ah, isla markaasna muujiyay taageerada ay u hayaan midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed ka soo baxay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xusay in ka badan toddobaatan dal oo si aan leex leexad laheyn u garab istaagey Soomaaliya, iyagoo doodooda gaartay ilaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p>Dalalkaas waxaa ka mid ah Pakistan, Turkey iyo Boqortooyada Midowday ee UK, kuwaas oo kaalin muuqata ka qaatay taageerada siyaasadeed iyo tan diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Bayaanka ay soo saartay Madaxtooyadu wuxuu muujinayaa dalal badan oo caalamka ah iyo hay\u2019ado waaweyn sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, kuwaas oo dhammaantood muujiyay taageero midaysan oo ku aaddan qaddiyadda qaranimada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dhanka kale, waxaa si cad u muuqata in liiska dalalka taageerada muujiyay ay ka maqan yihiin qaar ka mid ah dalalka dariska dhow la ah Soomaaliya, sida Itoobiya iyo Kenya, arrintaas oo dhalisay su\u2019aalo ku saabsan mowqifkooda ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay in ay ka go\u2019an tahay difaaca madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee dalka, iyadoo uga mahadcelisay dhammaan saaxiibada caalamiga ah ee garab istaagga muujiyay, kana codsatay beesha caalamka in ay sii laba jibbaaraan taageerada ay u hayaan xasilloonida iyo qarannimada Soomaaliya.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/605709966_1338847484953054_3753144360337729422_n.jpg?_nc_cat=1&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=833d8c&amp;_nc_ohc=bEC14ACcNMMQ7kNvwHzNcH2&amp;_nc_oc=Adns1QlQcAZ_5HE0IUevRfvYaSMZua5s8PtDk0Q7zkMT8sLUcfJLRrHfmMZ9pNZX0ak&amp;_nc_zt=23&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;_nc_gid=Xk9i16guViw5ZGH80BkB5w&amp;oh=00_AfrbsbK56AAaNF9dWm05IHEwStOesTZQwe2vCUC8oYQwZA&amp;oe=695BCFE6\" alt=\"May be an image of map and text\" \/><\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dalal u soo diray farriimo garab istaag ah, isla markaasna muujiyay taageerada ay u hayaan midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xusay in ka badan toddobaatan dal oo si aan leex leexad laheyn u garab istaagey Soomaaliya, iyagoo doodooda gaartay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":105634,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105764"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=105764"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105764\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":105765,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/105764\/revisions\/105765"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/105634"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=105764"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=105764"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=105764"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}